Cawaad Haashim: Nin dalkiisa u duceeyay oo la dilay

Image
Arinta walaaca gaarka ah abuurtay ayaa ah inuu ducadiisa kusoo daray in ilaahay dabar gooyo kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

KHARTUUM, Suudaan - Ninkaan dhalinyarada ah oo ahaa mid la nool xanuuno nafsi ah ayaa ku noolaa oo ay hoy ahaayeen jidadka magaalada caasimada dalka Suudaan ah ee Khartoum.

Cawaad Haashim ayaa dhawaan kooxo aan la aqoonsan ilaa hadda waxaa ay ku toogteen mid kamid ah jidadka caasimada iyada oo Baraha Bulshada la wareejiya isaga oo kartoon dusha laga saaray isla markaana dhulka jiifa.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaalo muujinaya isaga oo dalkiisa u ducaynaya in ilaahay amni kusoo celiyo.

Arinta walaaca gaarka ah abuurtay ayaa ah inuu ducadiisa kusoo daray in ilaahay dabar gooyo kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Qur'aanka kariimka ah ayuu xafidsanaa sida la wariyay isaga oo muuqaalada la wareejiyay ay ku jiraan kuwo uu ka akhrinayo dusha.

Duugtiisa waxaa ka qayb galay taliyaha ciidamada Taangiyada ee dalka Suudaan, Nasrudiin Cabdulfataax iyada oo dadku ay u ducaynayaan iyaga oo codsanaya in loogu abaal gudo jacaylkii uu dalkiisa u muujiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM