Cawad oo Nairobi kula kulmay dhigiisa Kenya, heshiis-na la galay [Sawirro]

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Keny Monica Juma ayaa Nairobi kula kulantay dhigiisa dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo mas'uuliyiin kale oo qeyb ka ah wafdigiisa.

Munica Juma ayaa sheegtay in ay kala hadashay Cawad arrimaha taagan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyo walaaca ka dhashay Shirkii arrimaha shidaalka lagu qabtey London 7-dii February.

Kulanka labada wasiir ayaa sidoo kale loog hadlay soo celinta safiiradda labad dal u kal fadhiyay Nairobi iyo Muqdisho, kuwaasoo ay ukala yeerteen markii uu xiriirkooda mugdi soo dhex-galay.

Safiiradda ayaa la filayaa in mar dhaw ay shaqooyinkoodii dib ugu laabteen, maadama la xaliyay khilaafkii diplomaasiysadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo salka ku haya muranka dhinaca xuduuda badda.

Horaantii bishii lasoo dhaafey Madaxweyne Farmaajo oo uu la socdo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka degay Nairobi, waxaana uu heshiis lagu dhameeyay khilaafkii jiray la galay Uhuru Kenyatta.

Dowladda Kenya ayaa ka carootay Shirkii London ee lagu soo bandhigay xogta shidaalka ku jira xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo ku doodey in lagu xad-gudbay oo sahan lagu sameeyay badeeda.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa dacwad la xiriirta muranka xuduuda badda uga furan tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda [ICJ] ee Hague taasoo la filayo in dhawaan ay kiiskan go'aan ka gaarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM