Ciidamada Eritrea oo la sheegay in ay ka baxayaan Tigrey 

Image
Shacabka Tigreega ayaa ciidankan si gaar ah ugu eedeeyay gaboodfalo kala duwan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dad ka shaqeeya samafalka iyo goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay arkeen kolonyo ciidamada Eritrea oo ka baxaya qeybo ka mid ah gobolka Tigree ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay qeyb ka ahaayeen duulaankii ciidamada Itoobiya ku qaadeen gobolkaasi oo ay qabsatay falaagada TPLF.

Ciidankan oo gacanta u haadinayay dadka ayaa ka baxay magaalooyinka Shire iyo Axum, iyaga oo u dhaqaaqay dhanka xuduuda dalkooda.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Gatachew Gebremeskel iyo afhayeenka TPLF Mr Reda ayaanan labada xaqiijin bixitaanka ciidanka Eritrea.

Arrintan Ayaa ka dambeysay kadib heshiis Xabad joojin iyo nabad ah oo dhexmaray dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF.

Heshiiskan qeyb kama Aysan ahayn dowladda Eritrea oo dabcan horey u inkirtay in Ay ciidamadeeda joogaan Itoobiya, kana fogaanaysay in hadhoow lagu soo oogo dacwado xasuuq sida ay sheegeeyaan xeeldheereyaasha xiriirka caalamiga ah.

Shacabka Tigreega ayaa ciidankan si gaar ah ugu eedeeyay gaboodfalo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM