Ciidamada Eritrea oo lagu eedeeyay in ay duqeeyeen iskuul

Image
Eritrea ayaa taageertay ciidamada Abiy Axmed ee la dagaalamay kooxda TPLF dabayaaqadii 2020-ka.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamada Ereteriya ayaa duqeeyay magaalo ku taalla waqooyiga Itoobiya dhamaadkii todobaadkan, sida laga soo xigtay dukumentiyada gudaha ee Qaramada Midoobay iyo ciidamada gobolka.

Waxay ahayd duqayn naadir ah ka laba bilood oo nabad ah ka dib colaadi ka dhacday bishii November 2020.

War-saxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa xogta hay’adaha samafalka ee Shiraro ku sugan deegaanka ayaa sheegaysa in ugu yaraan 23 xabbadood la riday, qaarkoodna ay ku dhaceen dugsi ay deggan yihiin qoysas barakacayaal ah.

Gabar 14 jir ah ayaa ku dhimatay, ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhaawacantay 12 gurina waa ay burburtay, mid ka mid ah dukumentiyada ayaa lagu cadeeyay xogtaan.

Gelinkii dambe ee isniinta, xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo ah xisbiga maamusha inta badan gobolka Tigray, ayaa ciidamada Eritrea ku eedeeyay inay weerareen ciidamadooda Sabtidii iyo Axaddii deegaanka Shiraro, oo qiyaastii toddoba mayl u jira xudduudda Eritrea iyo Itoobiya.

Eritrea ayaa taageertay ciidamada federaalka ee ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed dagaalka ay kula jirto kooxda TPLF dabayaaqadii 2020-ka.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay dileen afar taliye oo Eritrean ah iyo in ka badan 300 oo askari oo Eriteriyaan ah dabayaaqadii todobaadkan.

"Iyadoo qayb ka ah isku dayga quusta ah ee ay ku doonayaan inay xiisadda sii kordhiyaan oo ay tallaabo dheeraad ah noogu qaadaan, waxay Sheraro duqeeyeen 28-kii iyo 29-kii May," afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray.

Wasiirka warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel si degdeg ah ugama jawaabin codsiyada faallooyinka ah, wakaaladda wararka ee Reuters ma awoodin inay si madax bannaan u xaqiijiso tiradaas iyo weerarka.

Afhayeenka militariga Itoobiya, Korneyl Getnet Adane iyo afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaan soo celin fariimaha ay rabaan inay faallo ka bixiyaan.

Ciidamada Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka baxay badi gobolka Tigray bartamihii 2021 waxayna dowladdu ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii Maarso.

Taasi waxay ogolaatay in gargaarka uu galo Tigray-ga abaartu haleeshay, waxayna keentay in la hakiyo dagaalladii ay ku dhinteen kumannaan qof oo rayid ah oo xididdada u siibay malaayiin qof.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa horaantii sanadkaan u sheegay warbaahinta dawladda in ciidamadiisu ay mar kale soo faragelin doonaan haddii ay ciidamada Tigraygu soo weeraraan dalkiisa ama ay halis galiyaan xasilloonida Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM