Ciidamadda Kenya oo xorriyadooda u celiyey Soomaali ay "afduubteen"

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidanka difaaca Kenya ayaa xorriyadooda u soo celiyey saddex kamid ah sideed Soomaali ah oo ay ka afduubteen xuduudka labada waddan, sidda uu shalay ku dhawaaqay guddiga Jubaland u saartey dhacdadaas.

Guddigan oo uu horkacayo wasiiru dowlaha amniga maamul goboleedka Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa la fariistay saraakiisha Kenya iyagoo kala hadlay sidii ay u soo deyn lahaa Soomaalidaas la xiray markii la qarxiyey KDF-ta.

Sideedaas Soomaalida ah ayaa laga kaxeeyay magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo kuna dhow sohdnta wadamadda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidda laga soo xigtay guddiga, mid kamid ah sideedaas ruux ayaa ku dhintay ciidamadda Kenya, halka tirada kale ay wada-xaajoodyo ka leeyihiin.

Dhacdadaas lagu watay dhalinyaraadaas ayaa caro ka abuurtey gobolka Gedo, waxaana banaanbaxyo ay ka dhaceen Ceelwaaq, Garbahaarey iyo Doolow.

ibadbaxayaasha waxay dalbanayeen in lasoo daayo shaqsiyaadkaas.

Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay falkaas ayaa dowladda federaalka ku booriyey in ay farageliso, hase ahaatee, ma qaadin wax talaabo muuqata.

Nairobi iyo Muqdisho ayaa gorada iskula jira marka ay timaado arrimo badan oo ay kamid tahay siyaasada arrimaha dibadda, gudaha, doorashooyinka soo aadan iyo kiiska badda oo ah qadiyada ugu weyn oo ay isku hayaan dhinacyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM