Mali: Ciidamo nabad-ilaalin ah oo lagu layaay qarax miino ah

Image
Colaada ka oogan waddankan ayaa markii hore waxay ku bilaabatay olole gooni-u-goosasho ah.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan saddex kamid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay bartamaha dalka Mali shan kalana waa lagu dhaawacay kadib markii kolonyadooda ay ku qaraxday miiino.

Khuburadda ammaanka ayaa falkan waxay ku qeexeen "dharbaaxadii ugu dambeysay ee soo wajahday howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ugu halista badan".

Howlgalka xasilinta isku dhafka ah ee Qaramada Midoobay ee Mali ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in kolonyadooda ay haleeleen walxaha qarxa Talaadadii.

Maali ayaa waxaa hareeyay iska-hor-imaad ku bilowday dhaqdhaqaaq gooni u goosad ah sanadkii 2012-kii, balse tan iyo markii uu u xuubsiibtey kooxo badan oo hubeysan oo doonaya in ay maamulaan gobollada dhexe iyo waqooyiga ee dalka.

Dagaalada ayaa ku fiday wadamada dariska ah oo ay ku jiraan Burkina Faso iyo Niger, xaalada amaan ee gobolka oo sii xumaaneysa ayaa sababtay xaalad bini’aadantinimo.

Qaar ka mid ah kooxaha hubeysan ayaa xiriir la leh al-Qaacida iyo ISIL (ISIS). Xaalada waxaa uga sii dartey ka gadaal markii afgembi milatari uu ka dhacay waddankan.

Bishii Agoosto 2020, madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay Ibrahim Boubacar Keita ayaa xilka lagaga xayuubiyay afgambi militari ka dib bilo ay socdeen mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeeday musuqmaasuqa iyo amniga oo sii xumaanaya.

Dowladda militariga ayaa xiriir dhow la sameysay Kremlin-ka, iyadoo keentay ciidamada Ruushka iyo qalab, iyadoo xiriirka Faransiiska, xulafada dhaqameed ee Mali iyo awooddii hore ee gumeysiga, uu hoos u dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM