Ciidanka Itoobiya iyo Eritrea oo lala xiriiriyey dambiyo dagaal

Image

WASHINGTON, USA – Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqdey Itoobiya in ay u ogolaato kormeerayaal ka socda Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa in ay baaraan wararka sheegaya in ay gobolka Tigray ka socdaan dilal iyo tacadiyo jinsi.

Michelle Bachelet, oo ah madaxa hay'adda UN-ka u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha, ayaa dalabkan ku gudbisay qoraal ay soo saartay Khamiista maanta ah, kaasoo nuqul kamid ah lala wadaagay warbaahinta madaxa-banaan.

Bachelet ayaa intaas ku dartay in dhamaan dhinacyadda ku lugta lahaa colaadda ay suurtagal tahay in ay ku lug-leeyihiin dhamaan fal-dambiyeedyadaas.

Ciidamadda difaaca Itoobiya, xoogaga Jabhadda Xorreynta Tigray, ciidamadda Itoobiya, askarta Amxaaradda iyo maleyshiyo hubeysan ayay carabowday.

Dhawaqaan ayaa kusoo aadaya xilli Hay'adda Amnesty ay baahisay warbixin ku saabsan in xadgudubyo abaabulan ay ka socdaan gobolkan dhaca waqoyga Itoobiya halkaasoo maamulka Abiy Axmed uu guluf ciidan ku qabsaday.

War-saxaafadeed Arbacadii shalay kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in dacwad lagu soo oogayo shaqsiyaad uusan carab-dhamin balse uu ku eedeeyay in ay ku lug-leeyihiin "gabood-falada socda".

Gobolka Tigray oo haatan xaaladiisa ay degan tahay balse laga soo warinayo dhacdooyin teel-teel ah ayay xukuumadda Abiy ku duushay ka gedaal markii nidaamkii TPLF iyo dowladda federaalka isku qabteen doorashadda xeer-dejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM