Colaadda Ethiopia: Xoogaga TPLF oo burbruiyey garoon diyaaradeed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – TPLF ayaa burburisey garoonka qadiimiga ah ee Axum, sidda ay warisay warbaahinta dowladda. Tani waxay imaaneysaa xilli xukuumadda Abiy Axmed ay u qabatay 72 saacadood si ay isugu soo dhiibaan.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku wargeliyey TPLF in ay qoryaha dhigaan ugu dambeyn Arbacada ama ay wajihi doonan duulaan saf-balaaran leh.

Hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael oo u waramay wakaaladda wararka Reuters, ayaa rumeysan in hanjabaadda Abiy ay tahay mid lagu dabaabulayo qorshe ay ciidamadda dowladda doonayaan in ay dib isugu aruursadaan.

Gebremichae oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in ciidamada dowladda ay ka carareen saddex furimo dagaal. Hasayeeshee, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya maadaama isgaarsiinta iyo internet-ka ay hawada ka maqan yihiin.

Colaadda ka aloolsan waqoyga Itoobiya ayaa galeysa todobaadkii saddexaad iyaddoo illaa haatan lasoo wariyey geerida boqolaal ruux, iyo barakaca kumanaan kale kuwaasoo u qaxay waddanka deriska la ah Ethiopia ee Suudaan.

Qaramadda Midoobay ayaa hogaamineysa baaqyadda caalamiga ah ee ku aadan in xabad-joojin la sameeyo isla markaana khilaafka lagu dhameeyo wadahadal.

Dagaalka ayaa ka dhashay xifaaltan siyaasadeed oo dhexmaray xukuumadda Abiy Axmed iyo hogaanka TPLF kuwaasoo isku qabtay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka, la dirirka musuqa iyo maxkamadeynta gabood-faladii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM