Colaadda Ethiopia: Xoogaga TPLF oo burbruiyey garoon diyaaradeed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – TPLF ayaa burburisey garoonka qadiimiga ah ee Axum, sidda ay warisay warbaahinta dowladda. Tani waxay imaaneysaa xilli xukuumadda Abiy Axmed ay u qabatay 72 saacadood si ay isugu soo dhiibaan.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku wargeliyey TPLF in ay qoryaha dhigaan ugu dambeyn Arbacada ama ay wajihi doonan duulaan saf-balaaran leh.

Hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael oo u waramay wakaaladda wararka Reuters, ayaa rumeysan in hanjabaadda Abiy ay tahay mid lagu dabaabulayo qorshe ay ciidamadda dowladda doonayaan in ay dib isugu aruursadaan.

Gebremichae oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in ciidamada dowladda ay ka carareen saddex furimo dagaal. Hasayeeshee, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya maadaama isgaarsiinta iyo internet-ka ay hawada ka maqan yihiin.

Colaadda ka aloolsan waqoyga Itoobiya ayaa galeysa todobaadkii saddexaad iyaddoo illaa haatan lasoo wariyey geerida boqolaal ruux, iyo barakaca kumanaan kale kuwaasoo u qaxay waddanka deriska la ah Ethiopia ee Suudaan.

Qaramadda Midoobay ayaa hogaamineysa baaqyadda caalamiga ah ee ku aadan in xabad-joojin la sameeyo isla markaana khilaafka lagu dhameeyo wadahadal.

Dagaalka ayaa ka dhashay xifaaltan siyaasadeed oo dhexmaray xukuumadda Abiy Axmed iyo hogaanka TPLF kuwaasoo isku qabtay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka, la dirirka musuqa iyo maxkamadeynta gabood-faladii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM