Colaadda Itoobiya: Xaqiiqada sawiradda marin-habaabinta ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Boqolaal ayaa lagu waramay in ay ku geeriyoodeen dagaalada labada todobaad u dhaxeeya ciidamadda federaalka Itoobiya iyo maleyshiyadda daacad u ah hogaanka gobolka waqoyga dhaca ee Tigray.

Xilli colaadda ay sii karaar-qaadaneyso, haddana waxaa barbar socda faafinta macluumaadyo, sawirro iyo muuqaalo aan sal iyo baar toona lahayn.

Sawiradda tusinaya Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

Ciwaanka Facebook ee afhayeenka xisbiga talada u haya gobolka Oromia, Taye Dendea Aredo, ayaa lagu faafiyey sawirro muujinaya Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku sugan jiida hore ee dagaalka lagula jiro Tigray.

Sawiraddaas la faafiyey [share] in ka badan kun jeer [1,000] ayaa muujinaya Abiy oo telefoon ku hadlaya isla markaana ku labisan dareeska ciidamadda milatariga.

Hasayeeshee, xaqiiqada sawirkaas la dooriyey waa askari Mareykan ah, waxaana sanadkii 2017-kii looga qaadey gudaha waddanka Ukraine.

BBC-da ayaa sheegtay in ay la xiriirtey Aredo si ay wax uga waydiiso sawirkaas. Balse wuxuu sheegay in uusan adeegsan sawirkaas, wallow uusan sharaxin qaabka uu ku faafay.

Been abuurka diyaarad Itoobiya laga soo riday

Baraha Bulshadda Itoobiya waxaa hareeyay muuqaal lagu sheegayo in uu yahay diyaarad milatari oo ay ciidamadda Itoobiya looga soo ridday ismaamulka Tigray.

Xaqiiqadda muuqaalkaas waa cayaar -gacmeed [video games] laga leeyahay Japan, waxaana laga soo qaadey Youtube, iyaddoo la raaciyey sawir kale oo been abuur ah.

BBC-da ayaa mar kale waxay ku warantay in sawirka uu yahay diyaarad F-16 ah taasoo 2016-kii laga soo ridday ciidamadda cirka Jordan.

Sawirro kale oo goobo kale laga soo qaadey

Marin-habaabinta dhanka sawiradda ayaa u hareysay colaadda Itoobiya si gaar ah weerarada iyo waxyeelada ka dhasha. Kiisaska qaarkood waa kuwa meelo kale laga soo qaadey, halka kuwa kale ay waqti hore ahaayeen.

1. Isaga oo u muuqda mid isku dayaya in uu si mala-awaal ah muujiyo waxa ka socda Tigray, ciwaan taageera dowladda ayaa Facebook ku adeegsaday diyaarad ganeysa gantaalo.

Balse xaqiiqadda sawirkaas waa diyaarad laga leeyahay waddanka Uzbekistan, waxaana barahiisa bulshadda ku faafiyey wariye Anthony Pecchi bishii Janaayo, 2020.

2. Sawiradda la been abuuray waxaa kamid ah mid laga qaadey qarax 2015 ka dhacay shirkad Kiimiko oo ku taala magaaladda Tianjin ee dalka Shiinaha, balse loo ekeysiiyey mid ka dhashay colaadda Tigray.

Dadka faafiyey sawirkaas waxay ku lifaaqeen weeraro ka dhacay gobolka garoomo diyaaradeed oo ku yaala Amxaaradda iyo duqeyntii magaaladda Asmara ee xarunnta Eritrea.

3. Mid kamid ah sawiradda laga faafiyey duqeynta caasimada Eritrea waxaa kamida sawir kale oo xaqiiqadiisu tahay weerar bishii Janaayo lagu ekeeyay saldhig Mareykanka ugu yaala Iraq lagun eedeeyay maleyshiyo ay Iiraan taageerto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM