Coronavirus oo sababay in ay gaajoodaan malaayiin Kenyan ah

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan 3.6 milyan oo Kenyan ah ayaa qarka u saaran in ay gaajoodaan xilli wadankaas uu la tacaalayo musiibada Covid-19, sidda ay daaha ka rogtay warbixin dhowaan soo baxdey.

Kenyaanka tabaaleysan ayaa qayb ka ah in ka badan hal bilyan, oo u dhiganta 16 boqolkiiba dadka caalamka, kuwaasoo wajahaya dhibaato bini'aadanimo oo daba-dheeraatay, taasoo aan waxba laga qaban.

Global Humanitarian Assistance Report 2020, oo ay daabacdey Hay'adda UK u qaabilsan Mashaariicda Horumarinta, ayaa lagu xusay in wadamadan dadkooda nugul yihiin ay dhexda kaga jiraan colaado.

Sikastaba ha ahaatee, Kenya iyo Itoobiya waxaa liiska ku wehliya South Sudan, Libya, Somalia iyo Central African Republic oo dadkooda ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah balse meel dhexe ah.

Soomaaliya wuxuu saameeyay 5.2 milyan oo ruux, Zimbabwe waa 5.1 milyan, Chad waa 4.8 million, Cameroon waa 4.4 million, Mali waa 3.9 million iyo Kenya oo ah 3.6 million, kuwaas oo kaalmo tabaya.

Warbixinta oo dhaliishay qaabka dunida uga gaabiyey wax ka qabashada dhibaatada aadanimo ee cudurku sababay ayaa soo jeedisay in la qaado talaabooyin deg-deg ah oo xal raadin ah.

Covid-19 oo Asal ahaan kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa wuxuu kala xiray aduunka, taas oo sababtay in waddan uu ku mayal-adeego keydkiisa si uu ugu faa'iideeyo shacabka guriyaha baaqi ku noqdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM