Coronavirus oo safar ka baajiyey madaxweynaha Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Isniintii wuxuu baajiyay socdaalkiisii laba maalmood ee uu ku tagi lahaa gobolka Ukambani, isagoo ka baqaya inuu ka dhasho faafitaanka cudurka Coronavirus.

Kenyatta ayaa ahayd inuu socdaal ku maro gobolka 28 - 29 Juun si uu u soo afjaro jahwareerka ka taagan heshiis aan la dhameystirin oo la sheegay in uu qeyb ka yahay "mashruucii gacan-qaadka".

Waxaa la filayay inuu kormeero mashaariicda dowlada ee socda isla markaana uu dhagax-dhigo kuwa cusub. Gobolkan wuxuu ahaa mid si gaar ah loo xagliyo tan iyo 2018 xilligaas oo ay heshiis wada saxiixdeen isaga iyo hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Orange Democratic Movement (ODM) ee uu leeliyo Raila Odinga.

Dhanka kale, kulan ay Khamiistii yeesheen hogaamiyaasha bulshadda Kamba ayaa looga wada hadlay safarka madaxweynaha iyo ajandaha horumarintiisa inta lagu guda jiray booqashada balse wuxuu kusoo dhamaadey is-faham waa salka ku haya talaabooyinka qaar.

Kulankan oo ka dhacay Harambee House ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo qaban qaabiyey oo uu shir gudoominayey madaxa adeega bulshada Joseph Kinyua, waxaana isugu yimid hogaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, gudoomiyaasha gobolada iyo senetarrada laga soo doorto gobolka.

Mid ka mid ah arrimaha aadka u adag ayaa ku wareegsan xakamaynta safarka labada maalmood ah waa iyadda oo Wiper uu doonayo inuu mas'uul ka noqdo qabanqaabada shirka.

Guddoomiyeyaasha Charity Ngilu (Kitui), Alfred Mutua (Machakos) iyo Kivutha Kibwana (Makueni) waxay doonayeen in madaxweynaha uu furo mashaariic cusub oo degmooyin ah isla markaana uu kormeero kuwa socda, waxayna u diyaariyeen liis ay ku doonayaan, laakiin kooxda Mr Musyoka ayaa ka hor-yimid soo jeedintan.

Arrinta kale ee muranka dhalisay ayaa ahayd soo jeedintii Mr Musyoka ee ahayd inuu ku marti qaado madaxweynaha qado gurigiisa Tseikuru, sidii uu Mr Odinga ugu martigeliyey gurigiisa Riat ee Kisumu, markii uu booqday gobolka Nyanza.

Sida laga soo xigtay illo la socdey kulanka oo codsaday in aan la magacaabin, kulanku wuxuu isu beddelay mid magac-u-yeel ah, waxaana dhinacyada ay soo kala tageen iyadda oo ay isku fahmi waayeen qaabka booqashada u dhaceyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM