Covid-19: Cabasho laga muujiyey hanaanka karantiilka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dad ku sugan Kenya ayaa sheegaya in loola dhaqmay si ka baxsan bini'aadanimada xili ay ku jiraan muda huuriska Coronavirus, sidda ay ku warantay BBC-da qeybteeda aduunyada la hadasha.

Sidda ku xusan warbixinta, in ka badan laba kun oo dad ah kuwaas oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaaniib ayaa lagu amray in ay ku negaadaan hoteelada iyo xarumo dowladeed markii ay galeen dalkaas.

Hadda, maadaama xarumaha laga xaqiijiyey kiisas, mudada karan-tiilka oo ahayd 14-maalin ayaa laga dhigay muddo hal bil ah.

Xili ay is-waydiinayaan sababta loo kordhin go'doominta, qaar kamid ah dadka waxay tibaaxeen in loola dhaqmay "sidda maxaabiista".

"Kuwa ayaa horey tabasho uga muujiyey in aan loo ogolaan waxyaabaha aas-aasiga ah sidda Saabuunta iyo Biyaha," ayay raacisay BBC-da.

Balse, wasiirka caafimaadka Mutahi Kagwe wuxuu ku eedeeyay dadka ay hareer-mareen shuruucda isla markaana ay wada caweynayaan, iyagoo go'doominta ku jira, "taas oo ah wax aan la aqbali karin".

Guud ahaan waddanka Kenya, kiisaska cudurka ee la xaqiijiyey ayaa ka badan 130, iyaddoo uu ku jiro qof Soomaaliyeed. Tirada dhimashadda waxaa lasoo wariyey in ay gaartay saddex, dhamaantooda waa muwaadiniin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM