Covid-19: Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika oo karan-tiil galay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa wuxuu ku dhawaaqay Jimcadii in uu galay karan-tiil markii xubin ka tirsan shaqaalihiisa laga helay fayruska Corona.

Fariin uu soo dhigay Twitter-ka ayuu shaaca kaga qaadey in howlwadeenada kale ee xafiiskiisa ay dhankooda karantiil galeen.

Hadalka Faki ayaa kusoo aadaya kadib markii xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku dhawaaqay in shaqaalo ka tirsan howlgalkooda uu qaadey xanuunka dilaaga ah ee Covid-19.

Mr Faki ayaa wuxuusan fahfaahin buuxda ka bixin shaqaalaha ka tirsan xafiiskiisa ee qaadey cudurka iyo qaabka uu ku yimid.

Bukaankaas ayaa la tilmaamay in uu soo maray muddo dalal badan oo caabuqu saameeyay isla markaana uu ku jiro muddo huuris sideed maalmood ah lana waydiiyo su'aalo dheeraad ah.

Cudurka oo bishii December kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha dalweynaha Shiinaha ayaa ku faafay 176 wadan.

Jaamacadda Johns Hopkins ee fadhigeedu yahay waddanka Mareykanka ayaa waxay diiwaan-gelisay 553,200 kiis, in ka badan 25-kun oo dhimasho ah iyo 127,500 oo kasoo kabasho ah, guud ahaan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM