Is-afgarad cusub oo laga gaarey dhakhaatiirta u xiran Al-Shabaab

Image

HAVANA, Cuba – Madaxweyneyaasha Cuba, iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Jimcadii waxay yeesheen wadahadalo dhanka telefoonka ah maalmo kadib markii dhinacyadda ay beeniyeen in lasii daayey dhakhaatiira afduuban.

Maleeyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay waqooyi barri Kenya ka qafaasheen bishii April ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2019.

Qoraal lagu faafiyey barta gaarka ee Twitter-ka ku leeyahay madaxweyne Miguel Díaz-Canel ayaa lagu yiri: "Waxaan wada-sheekeysi wax ku ool ah aan khadka telefoonka kula yeeshay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta halkaasoo aan isku weedaarsanay arrimaha laba geesoodka iyo wax ka badan ah".

Sidda laga soo xigtay Díaz-Canel, labada dowladood ayaa isku afgartay in ay kasii wada shaqeeyaan dedaalada lagu soo badbaadinayo dhakhaatiirta.

Landy Rodríguez oo qaliinka qaabilsanaa iyo Assel Herrera oo cudurada guud ah ayaa lagu waramayaa in lagu hayo qaybo kamid ah maamulka Jubaland.

"Waxaan sii wadi doonaa in aan si wadajir ah uga shaqeyno qaabkii ay iyagoo nabad ah dalkooda ugu soo laaban lahaayeen Landy iyo Assel," ayuu ku daray.

War-fidiyeenka maxaliga Cuba ayaa horey u sheegay in xukuumadda Havana ay wadaxaajoodyo soo agaasimee oday dhaqameedyo ay kula jirto Al-Shabaab taasoo shuruud uga dhigtay sii deyntooda madax furasho $1.5 milyan.

Warbixinada ayaa xusaya in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay dhakhaatiirta ku daaweysaneyso xubnaheeda iyo tababarida kuwa kale.

Madax furashada ay ka helaan falalka afduubka ajaaniibta, maleeyshiyaadka hubeysan ayaa ku dardageliya howlgaladooda ay ku dhintaan dad rayid ah, iyaddoo caalamka horey u mamnuucay in lacag la siiyo kooxaha argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM