Cuba oo ka jawaabtay dhakhaatiirta ay AS sheegtay in ay dhinteen

Image
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa warisay in xubnahan lagu dilay duqeyn cirka ah.

NAIROBI, Kenya - Al-Shabaab ayaa sheegtay in labo dhaqaatiir ah lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Koonfurta Soomaaliya Khamiista, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dhakhaatiirtan oo u dhashay dalka Cuba ayaa lagu kala magacaabaa Landy Rodríguez iyo Asel Herrera kuna taqasusay daawaynta guud.

Xubnahan ayaa laga soo afduubtay magaalada Mandheera ee dalka Kenya laga soo bilaabo April 12, 2019.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Cuba ayaa fariin yar soo dhigtay barteeda xiriirka bulshada ee X (Twitter) uga hadashay dhacdadan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in xogta ku saabsan dhimashada labada dhakhtar ee Cuba "aan weli la xaqiijin" iyo in "masuuliyiinta Cuba ay xiriir joogto ah la leeyihiin Soomaaliya iyo Kenya".

"Dadweynaha waxaa si degdeg ah loo ogeysiin doonaa waxa soo kordha," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo uu soo xigtay warsidaha afka dheer ee SparkChronicles.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM