Xaalada dhakhaatiir ay Al-Shabaab afduubatay oo laga warbixiyey

Image

HAVANA, Cuba – Madaxweyne ku xigeenka Golaha Wasiiradda Cuba oo ka warbixiyey xaaladda dakhaatiir u dhalatay dalkaas oo Al-Shabaab ay qafaalatay ayaa carabka ku dhuftay "in ay caafimaad iyo bad-qabaan".

Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa 12-kii April, 2019, laga afduubtay magaaladda Mandheer, gaar ahaan meel ku dhow xadka Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta amniga oo fahfaahin kooban bixiyey ayaa shaaca ka qaadey in howladeenadda lagu haysto meelo kamid ah Soomaaliya.

Laba dhakhtar ayaa kamid ah boqol u dhalatay Cuba, oo dowladda waddankas u soo dirtay Kenya si ay howlo caafimaad uga fuliyaan degaanada miyiga ah ee gobolada kala duwan ee Kenya.

Bishii May, 2019, saraakiisha ammaanka ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay dalbatay 1.5 milyan oo Doolar oo madax-furasho ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo meesha ka saartay in ay bixin doonan lacagtaas ayaa tilmaamtay in ay awood ciidan adeegsan doonan.

"Labadda dowladood waxay qaadi doonan howlgalo wadajir ah si aan muwaadiniinteena ugu soo celino Cuba iyagoo bad-qaba," ayuu hadalkiisa ku daray Ines Maria Chapman.

Hadalkan ayuu u sheegay wariyeyaasha markii uu dib ugu laabtey magaaladda caasimadda ah ee Havana kadib socdaal uu ku tegay Nairobi, xarunta waddanka Kenya, halkaasoo uu kula kulmay madaxda ugu sareysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM