Daacish oo sheegatay weerar lagu dilay askar Masaari ah

Image
Ugu yaraan shan askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka Sabtidii, sida uu sheegay militariga Masar.

BAQDAAD, Ciraaq – Kooxda Daacish (ISIS) ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu dilay 11-askari oo ka tirsan ciidamada Masar oo Sabtidii ka dhacay gacanka Siinaay. Ugu yaraan shan askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka Sabtidii, sida uu sheegay militariga Masar.

Waa khasaarihii ugu cuslaa ee nolosha ciidanka Masar soo gaara muddo sanado ah ololaha dheer ee ay ka wadaan gudaha iyo hareeraha Siinaay ee ka dhanka ah dagaalyahanada daacada u ah kooxda hubaysan.

"Dagaalyahannada [ISIL] waxay dileen askar Masar, hubkoodiina way qabsadeen waxayna gubeen goob ay ku lahaayeen Galbeedka Sinai," ayay kooxdu ku sheegtay barteeda internetka ee borobagaandada Amaq.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Qantara ee gobolka Ismaaciiliya, taasoo dhanka bari kaga beegan Kanaalka Suweys.

Xoogag hubeysan ayaa weerar ku qaaday ciidamo ku sugnaa bar kontorool oo laga ilaaliyo magaaladda, kadibna waxa ay isaga carareen goobta. Milatariga ayaa sheegay in ciidamadu ay ku raad joogeen kooxihii weerarka soo qaaday meel cidlo ah oo ku taal waqooyiga gacanka Sinai.

Gacanka Siinaay ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka socday rabshado hubeysan, kuwaasoo gaaray heerkii ugu sarreeyay kadib markii xilka laga tuuray madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed Mursi oo afgambi ku qabsaday sannadkii 2013-kii.

In ka badan 1,000 qof oo looga shakisan yahay dagaal yahano iyo daraasiin ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa la dilay tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah.

Xawliga weerarrada ka socda tiyaatarka ugu weyn ee Sinai iyo meelo kale ayaa hoos u dhacay tan iyo bishii Febraayo 2018, markaasoo millatarigu ay hawlgal ballaaran ka bilaabeen Sinai iyo sidoo kale qaybo ka mid ah webiga Niil iyo saxaraha ku teedsan soohdinta galbeed ee dalkaasi uu la wadaago Liibiya.

"Howlgalladan argagixisanimo kama adkaan doonaan go'aanka dalka iyo ciidanka ee ah in ay sii wadaan xididdada u siibida argagixisada," ayuu madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ku ballanqaaday Facebook weerarka kaddib.

Washington ayaa cambaareysay "Weerarka Argagixiso ee Siinaay ee lagu beegsaday xubno ka tirsan millatariga Masar" waxayna tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha. Faransiiska, Midowga Afrika iyo Suudaan ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM