Dabley Al-Shabaab isku ekeysiiyey ciidanka Kenya oo dad laayay

Image
Wiil iyo aabihii ayaa kamid ah shaqsiyaadkan ku naf-waayay weerarkan jidgalka ah.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan laba qof ayaa 28-kii December waxaa toogasho ku diley rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaas oo iska soo ekeysiiyay ciidamada Kenya, sidda ay qortey The Star.

Dableyda oo gaadiid ay la socdeen dadkan u galay degaanka Witu ee gobolka Lamu ayaa sidoo kale gubay mooto ka hor inta aysan iska-caabin kala ulmin ciidamada booliska.

Guddoomiyaha gobolka, John Ellungata, ayaa sheegay in ay ciidamo badan geeyeen aagga gaar ahaan kaymaha ballaaran ee Boni Forest si ay u baacsadaan dableyda halkaas ka howlgasha.

Maqribnimadii Arbacada, gaari booliis ah oo ku sii jeeday degaanka Mokowe ayaa la kulmay jidgooyo ay dhigeen ku dhawaad ​​toban nin oo xirnaa dareyska ay isticmaalaan ciidamada Kenya.

Booliska ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinta majaladda afka dheer, waxa uu caddeeyay in argagixisadu ay joojiyeen afar baabuur, ayna toogteen darawalka gaari xamuul ah iyo wiil uu dhalay.

Isniintii, laba qof ayaa rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab waxay ku toogteen degaanka Pandaguo ee gobolka Lamu.

Taliska Bilayska oo ka jawaabay dhacdada lasoo wariyey habeenkii loo dabaaldegayay Ciida Masiixiga ​​ayaa tibaaxay in dhowr guri oo ku yaal agagaarka ay sidoo kale gubeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Degaankan ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya oo ay dhowr jeer oo hore weerarro ku qaadeen kooxo argagaxiso ah. Al-Shabaab ayaa illaa haatan waxa aysan ka hadlin falalkan liddiga ku ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM