Dabley Al-Shabaab isku ekeysiiyey ciidanka Kenya oo dad laayay

Image
Wiil iyo aabihii ayaa kamid ah shaqsiyaadkan ku naf-waayay weerarkan jidgalka ah.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan laba qof ayaa 28-kii December waxaa toogasho ku diley rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaas oo iska soo ekeysiiyay ciidamada Kenya, sidda ay qortey The Star.

Dableyda oo gaadiid ay la socdeen dadkan u galay degaanka Witu ee gobolka Lamu ayaa sidoo kale gubay mooto ka hor inta aysan iska-caabin kala ulmin ciidamada booliska.

Guddoomiyaha gobolka, John Ellungata, ayaa sheegay in ay ciidamo badan geeyeen aagga gaar ahaan kaymaha ballaaran ee Boni Forest si ay u baacsadaan dableyda halkaas ka howlgasha.

Maqribnimadii Arbacada, gaari booliis ah oo ku sii jeeday degaanka Mokowe ayaa la kulmay jidgooyo ay dhigeen ku dhawaad ​​toban nin oo xirnaa dareyska ay isticmaalaan ciidamada Kenya.

Booliska ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinta majaladda afka dheer, waxa uu caddeeyay in argagixisadu ay joojiyeen afar baabuur, ayna toogteen darawalka gaari xamuul ah iyo wiil uu dhalay.

Isniintii, laba qof ayaa rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab waxay ku toogteen degaanka Pandaguo ee gobolka Lamu.

Taliska Bilayska oo ka jawaabay dhacdada lasoo wariyey habeenkii loo dabaaldegayay Ciida Masiixiga ​​ayaa tibaaxay in dhowr guri oo ku yaal agagaarka ay sidoo kale gubeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Degaankan ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya oo ay dhowr jeer oo hore weerarro ku qaadeen kooxo argagaxiso ah. Al-Shabaab ayaa illaa haatan waxa aysan ka hadlin falalkan liddiga ku ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM