Dabley ka tirsan Boko Haram oo laayey dad kasoo laabtay Aas

Image

ABUJA, Nigeria – Dabley ka tirsan kooxda Boko Haram ayaa Sabtidii 23-ruux waxay ku dileen is-maamul goboleedka Borno ee waddanka Nigeria.

Dadka la laayey ayaa la sheegay in ay kasoo laabteen duugta shaqsi kamid ah dadka degaanka, sidda ay soo wariyeen mas’uuliyiinta.

"Kooxaha hubeysan oo Mooto saarnaa, waxay dadka rasaasta ooda uga qaadeen si aan kala sooc lahayn," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Shaqsiyaadka la beegsaday oo gebigooda ahaa rag ayaa kasoo noqday degmadda Nganzai halkaasi oo ay Aaska ka dhacday.

Dowladda wali kama aysan hadlin dhacdadan. Illaa iyo haatan, ma cadda hadafka ama ujeedada ka dambeysa toogashada.

Hasa ahaatee, dagaalameyaasha Boko Haram ayaa dhowr jeer waxay weeraro ay ka geysteen degmadda Nganzai.

Bishii September sanadkii hore, kooxda ayaa sideed ruux laysay, waxayna ka qaadatay laba tuulo oo halkaasi ku taalo xoolo.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaam-ka iyo Boko Haram oo isla degaankaasi kawada howlgala ayaa bilooyinkii dambe beegsanayey rayidka iyo ciidamada.

Khamiistii, Boko Haram ayaa waxay weerartay xero ay ku sugan yihiin dad barakac ah oo u taala Maiduguri, halkaasi oo ay ku dileen laba ruux.

Xeradda ayaa waxaa la sheegay in dagaalameyaasha ay ka qaateen cunto ay halkaasi dhigeen ciidamadda dowladda kadib markii la gubay saldhigooda.

Nigeria ayaa muddo la tacaaleysa dagaalka Boko Haram, oo kusii fiday wadamada deriska la ah sida Chad, Nigeria iyo Cameroon, waxaana la sheegayaa in uu galaaftay nolosha 27-kun oo ruux, iyadda oo laba milyan uu barakiciyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM