Dabley loo maleynayo Al-Shabaab oo dilay askar Kenyan ah

Image
Weerarkan oo ku bilowdey baasuuke ayaa laga soo wariyey meel ku dhow xadka Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Dabley aan heybtooda si weyn loo aqoonsan ayaa abaare 10:00 Jimcihii shalay June 2, 2023 ku dilay degmada Mandheera ugu yaraan labo askari oo booliis ah, tiro kalena way ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ayaa ku waramaya in kooxda weerarka soo qaaday ay beegsadeen ciidamo roondo ah oo ku sugnaa wadada isku xirta Lelele iyo Takaba iyaga oo adeegsanaya qoriga baasuukaha.

Inkastoo aysan jirin cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, haddana waxaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay u badan tahay inay fuliyeen weerarka.

"Maalmaha soo socda waxaan xoojin doonaa dhaqdhaqaaqyadda xuduudka si aan uga hortagno weerarada ay fulinayaan kooxaha araggxisiadda ah," ayaa laga soo xigtey sarkaal sarreoo dhanka ammaanka ah.

"Khatarta ugu badan ee kooxaha xagjirka ah ayaa ah kuwa ugu badan ee ka dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan Lamu, Garissa, Wajeer, iyo Mandheera," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Al-Shabaab ayaa sida caadiga ah beegsata muwaadiniinta ajnabiga ah, laamaha ammaanka iyo gaadiidka la aaminsan yahay in ay la socdaan howlwadeenadda dowladda Kenya.

"Xeeladaha caadiga ah ee ay adeegsadaan mintidiinta Al-Shabaab waxaa ka mid ah is-miidaamin, weerarro hubeysan, weerarro bam-gacmeed, afduub, weerarro lagu qaado rayidka, iyo weerarrada lagu qaado maraakiibta badda ee mara dekedaha Kenya iyo kuwa u dhow," ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka.

Weerarkan u dambeeyay ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay dib u furaan xuduudaha taasoo kor u qaadeysa isu-socodka lagana yaabo in ay ku dusaan argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM