Dabley weerar gaadmo ah ku laysay dad ay ku jiraan haween uur leh

Image
Weerarkan ayaa waxa uu ahaa midkii labaad ee todobaad gudihiis ay ka geystaan ​​fallaagadan.

NAIROBI, Kenya - Dabley ayaa ugu yaraan 20 qof ku dilay sagaal kalena waa ay ku dhaawaceen meel u dhow xuduudka galbeed ee Burundi ay la wadaagto Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Dadka lagu dilay weerarkii fiidnimadii Jimcaha ee magaalada Vugizo ayaa waxaa ku jiray 12 carruur ah, labo haween oo uur leh iyo sarkaal booliis ah, sidda uu sheegay afhayeenka dowladda Jérôme Niyonzima.

Weerarka oo argagax badan abuuray ayaa waxaa sheegtay jabhadda aadka u hubeysan er RED-Tabara oo dowladda Burundi ay u aqoonsan tahay koox “argagixiso”.

Falkan ayaa lala beegsaday sagaal guri oo ku yaal magaalada, una dhow xadka harada Tanganyika ee DRC. Ugu yaraan sagaal kale oo ku dhaawacmay weerarka ayaa la dhigay isbitaal.

Jabhadda RED-Tabara, oo dowladda Burundi kula dagaallamaysa saldhigyo ku yaalla bariga DRC tan iyo sannadkii 2015-kii, ayaa barteeda bulshada ee X ku sheegtay inay dileen sagaal askari iyo hal askari oo booliis ah.

Jimcihii, madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa u sheegay ciidamada, booliiska iyo saraakiisha sirdoonka inay feejignaadaan, isagoo ka digay "cadowgu waligiis ma seexdo xitaa haddii aan amni haysanno".

Weerarkan ayaa ahaa kii labaad ee todobaad gudihiis gudaha Burundi ay ka geystaan ​​fallaagada, kuwaas oo aan wax dhaqdhaqaaq ah ka sameyn gudaha dalkaasi tan iyo bishii September ee sanadkii 2021-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM