Dableydii fulisay dilkii Haacaaluu Hundeessaa oo la aqoonsaday

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen laba ruux oo lagu tuhunsan yahay dilka fanaankii caanka ahaa ee geeridiisu banaanbaxyadda ka dhalisay waddankaas kuna dhinteen 166 qof.

Toogashada Haacaaluu Hundeessaa oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ayaa rabshado ka kicisey Addis Ababa iyo nawaaxiga gobolka Oromiya. Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa khaarijinta ku sifeeyay "fal dagaal sokeeye".

Iyaddoo telefishinka ku hadla afka dowladda kala hadleysay dadweynaha, Adanech Abebe, xeer-ilaaliyaha guud ee dalkaas, ayaa dilka ku eedeysay ururka Shene, oo ka goostay Jabhadda Xorreynta Oromada.

Sidda laga soo xigtay Adenech, labadda ruux ee gacanta lagu hayo waa khaariyihii iyo caawiyihiisa. Tilahun Yami iyo Abdi Alemayehou waa magacyadooda. Wareysiyo ay la yeesheen ciidamadda ayayna ku qirteen.

Balse, illaa iyo haatan, ma jirto wax dacwad ah oo lagu soo oogay labada eedeysane. Mana shaacin xeer-ilaaliyaha guud ee Itoobiya.

Haacaaluu Hundeessaa ayaa astaan u ahaa halganka ay Oromada ku raadinayeen in ay ku helaan metelaadooda saxda ah ee Ethiopia.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta waddankaas ayaa horey codsaday in si dhab ah loo baaro falkaan isla markaana ay cadaaladda wajahaan gacan ku dhiigleyaasha.

Itoobiya waa mid kamid ah wadamada hadii ay ka dhacaan mudaaharaadyo ay nolol galaaftaan, waxaana ugu wacan tirada dadka oo badan iyo dowladda oo lagu eedeeyo in ay gacan adag kaga hortagto dibad-baxayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM