Dad ku dhintey diyaarad ku burburtey harada Victoria ee Tanzania

Image
Shan sano kahor, shil noocaan oo kale ah oo ka dhacay isla dalkan ayaa sababay geerida 11 ruux.

DODOMA, Tanzania - Tirada dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee Axadii ka dhacay harada Victoria ee dalka Tanzania ayaa kor u dhaaftay 19, sida uu sheegay Ra'iisul Wasaare Kassim Majaliwa. Diyaarada Precision Air ayaa ku dhacday haradda xilli ay ku sii jeeday magaalada Bukoba ee waqooyi-galbeed.

"Dhammaan dadka Tanzaaniya waxay u baroor-diiqayaan 19-kii qof ee ku naf waayey shilkan," ayuu Majaliwa u sheegay dad isu-soo-baxay ka dib markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Bukoba, halkaasoo diyaaraddu ay ka soo degi lahayd.

Samatabbixiyeyaashu waxay badbaadiyeen 26 qof oo badbaaday. Shilkan ayaa lala xiriiriyey cimilo xumo darteed. 43 qof, oo ay ku jiraan 39 rakaab ah, ayaa saarnaa duulimaadka PW 494 oo kasoo duulay caasimadda dhaqaalaha Tanzania.

Precision Air, oo qayb ahaan ay leedahay Kenya Airways, waxaa la aasaasay 1993-kii, waxayna ka shaqeysaa duullimaadyo gudaha iyo gobolka ah. Si lamid ah, waxay bixisaa adeegyo kiro oo gaarka ah kuwaasoo lagu tago meelaha loo dalxiis tago ee caanka ah sida Serengeti National Park iyo jasiiradaha Zanzibar.

Shilkan ayaa imaanaya shan sano kaddib markii 11 qof ay ku dhinteen diyaarad ay leedahay shirkadda safari ee Coastal Aviation oo ku burburtay waqooyiga Tanzania.

Bishii Maarso 2019, diyaaradda Ethiopian Airlines oo ka soo duushay Addis Ababa kuna socotay Nairobi ayaa dhacday lix daqiiqo ka dib markii ay ku duushay garoonka koonfur bari ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 157 qof oo saarnaa.

Sannadkii 2007-dii, diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways oo ka soo duushay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast, kuna sii jeeday caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa ku burburtay meel dhiiqo ah, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 114 rakaab ah.

Sannadkii 2000, diyaarad kale oo Kenya Airways ah oo ka soo duushay Abidjan kuna socotay Nairobi ayaa ku burburtay badweynta Atlantic, waxaana ku dhintay 169 qof halka 10 kalena ay ka badbaadeen. Dhamaan shilalkan fahfaahin badan lagama bixin sababta dhalisay mana jirto cid lagula xisaabtamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM