Dad ku dhintey doon ka baxdey Afrika oo ku dagtey biyaha Malta

Image
Dadka la soo badbaadiyay oo tiradooda lagu qiyaasay 46 ayaa waxaa ku jiray labo kale oo haween uur leh.

ROMA, Italy - Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa badbaadiyay ilaa 46 tahriibayaal ah, waxayna soo saareen meydadka siddeed qof oo ay ku jirto haweeney uur leh, kadib markii doon lagu arkay biyaha Malta, sida ay ku warantey wakaaladda wararka ee ANSA saacadihii hore ee Jimcaha maanta ah.

Doonidan ayaa waxaa arkay ilaalada Talyaaniga di Finanza oo ku sugan aagga baadigoobka iyo samatabixinta Malta, xilli ay ku sii jeedday jasiiradda Lampedusa ee koonfurta Talyaaniga, sida ay wakaaladdu sheegtay.

Tobanaan qof oo ka yimid Waqooyiga Afrika ayaa saarnaa doonta, sida ay sheegtay hay’addu. Dadka dhintay waxaa ka mid ah saddex dumar ah oo mid ka mid ah uur lahayd.

"Dadka la soo badbaadiyay oo tiradooda lagu qiyaasay 46 ayaa waxaa ku jiray labo kale oo haween uur leh," ayaa lagu yiri warbixinta laga soo xigtey warbaahinta gudaha.

Duqa magaalada Lampedusa Filippo Mannino ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni in uusan ka tagin jasiiradda si uu ula tacaalo "musiibo weyn".

"Fadlan na caawi, habkan kuma socon karno," ayay wakaaladda ANSA kasoo xigatay Mannino mar uu ku sii jeeday dekedda jasiiradda si uu u kormeero "musiibadda".

Sannad kasta dad badan ayaa ka soo gudba dhinaca woqooyiga Afrika iyagoo sii mara badda Mediterranean-ka una gudba Midowga Yurub, iyagoo inta badan aadaya Talyaaniga iyo Malta, waxaana ay rajaynayaan nolol fiican oo Yurub ah. Doonyaha ayaa inta badan buux dhaafiya oo aan ammaan ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM