Dad ku dhintey qarax ka dhacay caasimada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Laba qof ayaa ku dhimatay markii bam uu ku qarxay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa galabnimadii Axada, sida ay warisay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Sida laga soo xigtay booliska oo saxaafadda maxaliga ah ay kasoo xigatay in uu qoraal soo saarey, ugu yaraan hal qof ayaa si xun ugu dhaawacmay qaraxa.

Qaraxa wuxuu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Saadaasha Hawada ee Magaalada Lideta, oo u dhaw aag guryaha is-kaashatada ah oo ay degan yihiin tobanaan kun oo qof.

Taliyaha waaxda Dambi baarista Booliska Magaalada Lideta, Daniel Tafesse, ayaa xusay in qaraxa la maqlay waxyar kadib markii nin iyo labo haween ah lagu arkay goobta.

Sikastaba, booliska ma uusan shaacin magacyadda latuhmanayaasha. Dhacdada ka dib, saraakiisha ka hortagga walxaha qarxa ee booliska Addis Ababa ayaa u gurmaday goobta.

Booliska oo sheegay in bam kale laga helay jeebkiisa mid kamid ah dadka dhintay ayaa bilaabay baaritaano la xiriira dhacdada.

Dhowr dhacdo oo qaraxyo bambaano ah ayaa ka dhacay Addis Ababa iyo qaybaha kale ee wadanka tan iyo intii uu xukuumadda Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed uu hogaaminayo ay bilawday guluf militari oo ka dhan ah Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray 4-tii Noofambar ee sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM