Dad ku geeriyoodey shil tareen oo ka dhacay caasimadda Masar

Image
Madaxweyne Al-Sisi ayaa wacad ku maray in uu la xisaabtami doono dadka masuulka ka ah shilalka tareenada ee soo noqnoqda.

QAAHIRA, Masar - Shil tareen oo ka dhacay Masar ayaa sababay dhimashada afar qof iyo dhaawaca in ka badan 20, sidda ay wakaaladda wararka Faransiiska AFP ay kasoo xigatay saraakiil caafimaad.

Dhacdadan ayaa laga soo tabiyey aagga Niil Delta xaafadda Qalyub ee caasimadda waqooyiga Qaahira. Maamulka Qaranka ee Tareennada Masar oo shilkan xaqiijiyey ayaa tacsi u diray ehelada.

Sidda laga soo xigtey maamulka, shilka waxa uu ka dambeeyay markii tareenka uu dhaafay goobtii loogu talagalay sababo aan wali sharaxaa dhameystiran aan laga bixin.

Wasaaradda caafimaadka Masar ayaa markii dambe sheegtay tiradii ugu dambeysay ee afar qof oo la dilay iyo 23 dhaawac ah, taasoo laba jibaartay tirada dhimashada ee markii hore la shaaciyay.

"Qoysaska dadkii ku dhintay masiibadii tareen ee ugu dambeysay waxay heli doonaan magdhow qiimihiisu yahay 100,000 oo giniga Masar ah (qiyaastii $3,000)," ayay tiri wasaaradda.

Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ayaa wacad ku maray in uu la xisaabtami doono dadka masuulka ka ah shilalka tareenada ee soo noqnoqda ee dadka badan ku dhinteen ee Masar oo ah dalka ugu dadka badan Carabta.

Masiibadii ugu xumayd ee tareenada Masar ayaa dhacday sannadkii 2002-dii, markaasoo dab qabsaday tareen ay ku dhinteen in ka badan 370 qof oo ku sugnaa bannaanka magaala madaxda Qaahira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM