Dad loo xiray dilkii uu ka badbaadey ra'iisul wasaaraha Suudaan

Image

KHARTUUM, Suudaan – Mas'uuliyiinta Sudan ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyey in tirro dad ah loo xiray isku daygii dil ee uu shalay ka badbaadey ra'iisul wasaare Cabdalla Xamduuk.

Xamduuk, dhaqaalayahan 64-sano jir ah, ayaa la beegsaday isagoo kusii jeeda xafiiskiisa. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshadda wuxuu ku sheegay in uu caafimaad qabo.

Warbaahinta dowlada ayaa warisay in qarax miino iyo rasaas lala eegtay kolanyadda Cabdalla Xamduuk, balse aysan ka dhalan khasaaro.

Guddoomiyaha Khartuum, Axmed Cabdoon, ayaa u sheegay warbaahinta in dadka laga shakisan yahay ee lasoo xiray loo diri doono baaritaano dheeraad ah kadibna la maxkamadeyn doono.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, wallow lagu eedeeyay "urur argagixiso ah" oo aan la carabaabin.

Dacwad-oogaha guud ee Suudaan, Taj al-Ser Ali al-Hebr, ayaa war-saxaafadeed ku xusay in ay baaritaano horudhac ah ku ogaadeen "in weerarka loo naqshadeeyay qaab xirfadeysan".

Golaha Amniga iyo Gaashaandhiga Suudaan oo shir degdeg ah yeeshay ayaa "saaxiibada" caalamka waydiistay in laga taageero baaritaanka falkaas.

Weerarkaas ayaa kusoo hagaagay iyadoo dalka uu hiigsanayo in uu kasoo kabto kala qeybsanaantii ka dhalatay inqilaabkii lagu riday Cumar Xasan Al-Bashiir oo dhaliyey dowlad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM