Dad loo xiray weerarkii Masaajida ee waddanka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Laamaha ammaanka ismaamulka Amxaarada ee hoostaga dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in shan qof loo xiray weerarkii Masaajida ee magaaladda Motta.

Getnet Yirsaw, afhayeenka dowlad gobolkaas, ayaa sheegay in shaqsiyaadka gacantooda ku jira ay baaritaan ku bilaabeen.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu ku caddeeyay in baaritaanka kadib maxkamad lasoo taagayo.

Ugu yaraan laba Masjid ayaa la gubay, laba kelana waa la burburiyey kadib weerar ay koox dad ah ay ku qaadeen Jimcadii.

Weerarka Masjidka ayaa yimid saacado kadib markii dab uu ka kacay Kaniisad caan ka ah magaaladaas ay ku badan yihiin dadka kala Diimaha ah.

Abiy Axmed oo qulqulatooyinkan ku qeexay "isku dayo xagjiriinta ku doonayaan in ay ku wiiqaan dhaqanka Itoobiya" ayaa shacabka waydiistay in ay meel uga soo wada jeestaan.

Madax, siyaasiyiin, urur iyo dadweyne ayaa si wadajir ah carro uga muujiyey weerarka Masjidka iyo mehradaha ganacsiga ee Muslimiinta ku nool magaaladda Motta ee Amxaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM