Dadaalada uu daaha gedaashiisa ka wado Abiy ee ku aadan xiisada badda

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo qoraalo u kala diray safaaradaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa muujiyey sida uu u xiisaynayo in uu isu keeno hogaamiyeyaasha labadda dal.

Abiy, gudoomiyaha urur goboleedka IGAD oo xubin kawada yihiin dalalkan, ayaa doonaya in uu xaliyo khilaafka labada dhinac ee ku aadan xiisada badda, taasi oo sii xoogeysaneysa marba marka kasii dambeysa.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ka codsadey in ay 13-ka bishan July isugu yimaadan Addis Ababa, xarunta Itoobiya, si ay wada hadalo ugu yeeshaan.

Inkasta oo aanan la hubin hadii ay dalabkaasi ogolaadeen, haddana xafiiska Farmaajo ayaa beeniyey in uu isbedelay mowqifka madaxda dowladda ee ku aadan dacwadda hortaala Maxkamada Cadaaladda Aduunka.

Beeninta ayaa timid ka gedaal markii ay soo baxeen warar sheegaya in Villa Soomaaliya ay ogolaatay in muranka badda dib looga soo celiyo ICJ, isla markaana wada haddalo lagu dhameeyo, taasi oo ah waxay Kenya quudareyneyso.

Daaha gedaashiisa

Saxaafadda Kenya oo soo xigatay mas'uuliyiin Soomaali ah ayaa baahineysa in Abiy Axmed uu daaha gedaashiisa ka wado isku dayo uu ku doonayo in is-afgarad lagu gaaro xili ay jiraan cadaadis ka imaanaya UN-ka iyo Mareykanka.

Abiy ayaa sanadkii hore ku guuldareystay in uu meel ka baxsan Maxkamadda ku dhameeyo qaddiyadda, markii ay ku gacan-seyrtay xukuumadda Muqdisho oo ku adkeysatay in ay ka dhowr-sugeyso ICJ.

Itoobiya oo u muuqata mid diiradda saareysa danaheeda labada dal ayaa isha ku haysa xiisaheeda dekadaha Soomaaliya iyo iskaashiga dhinaca difaaca ee kala dhaxeeya Kenya.

Tani ayaa keentay in uu Abiy Axmed dib u soo laba kac-leeyo isla markaana uu bilooyinkii lasoo dhaafey uu sare u qaadey dedaaladiisa daaha gedaashiisa ka socda ee ku aadan xiisadda badda.

Dhowaan waxaa Muqdisho yimid wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, kaasoo la tilmaamayo in uu Farmaajo u sharaxay qaabka uu doonayo in uu Abiy u wajaho xiisadda, isla markaana lagu qaboojiyo.

Macluumaadyadan soo kordhay ayaa kusoo beegmaya iyadda oo Maxkamadda ICJ ay muddeysay in ay bisha September ee sanadkan ay dib u bilaabeyso dhageysiga galka labada dowladood ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa dacwadda gudbisay sanadkii 2014-kii. Labadda dowladood waxay isku haystaan goob badkeeda lagu qiyaasay 100 kilometer oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM