Dagaal afka ah oo ka dhex-qarxay madaxda Rwanda iyo DRC Congo

Image
Weerarada ayaa waxa ay gaareen in midkood uu kan kale ku tilmaamay inuu lamid yahay Adolf Hitler.

KIGALI, Rwanda - Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa xoojiyay weerarrada dhanka afka ah ee uu ku hayo dhiggiisa Rwanda wuxuuna gaarsiiyay heer kale isagoo barbar dhigay Adolf Hitler.

Félix Tshisekedi ayaa sheegay in Paul Kagame uu u dhaqmayo sidii Hitler oo kale, waxaana uu intaa ku daray: "Waxaan ballan qaadayaa inuu ku danbeyn doono sidii Hitler".

Isaga oo la hadlayay taageereyaashiisa, Mr Tshisekedi oo u ololeynaya in dib loo doorto ayaa khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay magaalada Bukavu oo ku dhow xadka Rwanda.

Wuxuu inta badan ku eedeeyay Rwanda inay taageerto fallaagada gacanta ku haysa bariga dalkiisa, taasoo ay weligeed diidi jirtay xukuumadda fadhigeedu yahay Kigali.

Afhayeen u hadlay dowladda Rwanda una jawaabay madaxwayne Tshisekedi ayaa ku tilmaamay hadalka madaxweynaha Congo mid "hanjabaad indho la'aan iyo qaylo ah".

Hitler, oo mas'uul ka ahaa dhimashada malaayiin, oo ay ku jiraan lix milyan oo Yuhuudi ah oo ku dhintay Holocaust, ayaa naftiisa ku dilay meel kayd ah oo ku taal caasimadda Jarmalka, Berlin, 1945-kii.

Mr Kagame ayaa ahaa siyaasiga ugu tunka weyn Rwanda tan iyo dhamaadkii xasuuqii 1994-tii, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 800,000 oo qof oo ay xasuuqeen qowmiyada Hutu oo beegsaday Tutsiga ee laga tirada badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM