Dal 'gabaad-siiya' dabley weeraro ka fuliyey Itoobiya oo la shaaciyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dagaal-yahanno ku lug lahaa weeraro lala beegsaday dad shacab ah oo dhowaanahan ka dhacayey galbeedka dalkaas, lagu soo tababaray gudaha Sudan.

Abiy oo rumeysan in Suudaan ay si lamid ah gabaad-siiyo dableydaas ayaa intaas ku daray in caawimaadda Khartoum loo baahday si goobahaas loo xasiliyo.

Dowladda Abiy ayaan horey faah-faahin badan uga bixin waxa sababay rabshadaha gobolka Benishangul-Gumuz region, kuwaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku qeexeen kuwa salka ku haya qowmiyado.

Mucaaradka Amxaarada ayaa sheegay in rabshdaha ay ka dambeeyaan meelshiyo kasoo jeeda qowmiyadda Gumuz, kuwaas oo beegsanaya qowmiyadda Amxaarada.

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay aagga Metekel toddobaadkii tegay, halka 15 kale ay ku dhinteen weerar la mid ahaa oo dhacay bishii September.

“Gobolka Blue Nile, boqolaal qof ayaa lagu tababaray oo hub casri ah lagu siiyey,” ayuu Abiy u sheegay baarlamanka, isaga oo ka hadlaya gobolkan xasilooni-darrada ay ka jirto ee Sudan.

“Inkasta oo la qaaday tallaabooyin guul leh oo lagu dejinayo xaaladda, kuwii weerarka gaystay waxay u tallaabeen gobolka Blue Nile, wayna soo laaban doonaan marka kuwa nabadda jecel ay dayac muujiyaan,” ayuu yiri.

Abiy ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan rabshadaha, cidda ay yihiin dagaal-yahanada iyo tirada rasmiga ah ee dhimashada. Waxa uu sheegay in boqolaal qof lagu xiray howlgal sifeyn ah oo ay ka qeyb galeen militariga.

VOA + GO

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM