Dalal ay kamid tahay Soomaaliya oo loogu deeqay $26 milyan

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa lacagtan waxay ku leedahay qoondo dhan $8,086,875 milyan.

NAIROBI, Kenya - Hay’adda Cunada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqdey in lacag dhan $26 milyan ka heshay dowladda Jarmalka, sidda uu daabacay wargeyska The Star.

Lacagtan ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo bulshooyinka ku nool afar waddan oo ku yaalla bariga Afrika oo ay abaaruhu saameeyeen.

Lacagtan ayay FAO sheegtay in ay ku bixin doonto cunto iyo agabka kale ee aasaasiga ah. Wadamadda loo kala qeybinayo lacagtan ayaa ah Kenya, Itoobiya, Soomaaliya iyo Suudaan.

Lacagtaas ayaa Itoobiya waxay heli doontaa $7,547,750 milyan, Kenya ($7,008,625 milyan), Soomaaliya ($8,086,875 milyan) iyo Suudaan ($4,313,000 milyan).

"Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda Jarmalka deeqdan deeqsinimada leh ee ay soo marsiisey FAO si wax looga qabto abaarta ee Bariga Afrika waqti xasaasi ah," ayay FOA ku yiri war qoraal ah.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Xaaladda hadda jirta waxay muujinaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo in la bixiyo gargaar bani'aadamnimo oo heersare ah. Waa inaan muujinaa doorka muhiimka ah ee beeralayda si loo gaaro mustaqbal waara oo dadka gobolka".

Taakuladan maaliyadeed ayaa si gaar ah waxaa loogu bixin doonaa abuurka, qalab, adeegyo la kabo iyo bacrimiyeyaasha, quudinta xoolaha iyo taageerada gaadiidka biyaha ee xoola-dhaqatada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM