Dalal kasoo horjeestay maqaam Israel laga siiyey AU-da

Image
Mid kamid ah wadamadan ayaa cuskadey dhibaatada Israel ku hayso Falastiiniyiinta. [Photo: AFP]

KAPE TOWN, South Africa - Koonfur Afrika ayaa waxay ku tilmaamtay inay tahay “cadaalad darro aan loo meel dayin oo aan la macnayn karin” go’aankii Midowga Afrika (AU) ee ahaa in Israa'iil la siiyo xubin sharafeed korjoogto ah.

South Africa ayaa waxay noqonaysaa dalkii ugu dambeeyay ee kasoo horjeesta maamuuskan gaar ah ee ururkan uu siisay maamulka Yahuuda iyadoo Namibia ay dhawaan ka muujisay diidmo.

"Israa’iil waxaa loo aqoonsan yahay in ay xoog ku haysato Falastiin ayna kasoo horjeedo waajibaadka caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya," ayuu yiri dalku.

Waaxda Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Koonfur Afrika ayaa tiri: "Dowladda Koonfur Afrika waxay la yaaban tahay go'aanka xaqdarrada ah ee aan loo meel dayin ee Guddiga Midowga Afrika ee ah in la siiyo Israa'iil xubin kor-joogto ka tirsan Midowga Afrika".

"Guddiga Midowga Afrika wuxuu qaatay go'aankan kaligiis, iyadoo aan lagala tashan xubnihiisa. Go'aanka ah in la siiyo Israa’iil maqaam kor-joogto ayaa meel ka dhac ku yahay in sanad gudihiis dadka dulman ee Falastiin ay ku habsadeen duqeymo waxyeelo badan geystay ayna wali sii socdaan degaameynta sharci darada ah," ayay raacisay.

Bayaanka ayaa ku daray: "Midowga Afrika wuxuu si adag uga soo horjeedaa dhimashada Falastiiniyiinta iyo burburinta kaabayaasha rayidka. Go'aanka Guddiga Midowga Afrika ee arrintan ku jira waa mid aan la sharrixi karin".

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo Israa’iil wuxuu bilaabmay 1949 -kii waxaana ku jiray iskaashi milatari laakiin iskaashiga ayaa xumaaday kadib dhammaadkii midab kala sooca.

In kasta oo madaxweynihii hore Nelson Mandela uu isku dayay inuu hagaajiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Israa’iil, haddana cilaaqaadka weligiis ma kobcin.

Wadanka ku yaal Koonfurta Afrika ayaa safiirkii u fadhiyay Tel Aviv lasoo baxay 2018 sababo la xiriira mudaaharaadyada ka dhan ah duqeynta Gaza. Pretoria waxay markaa ka dib hoos u dhigtay joogitaankeeda Israa’iil una rogtay xafiis xiriir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM