Dalalka Afrika ee maanta shaaciyey kiisaskii ugu horeeyay ee COVID-19

Image

NAIROBI, Kenya – Kala-bar qaaradda Afrika ayaa haatan la tacaalaya kiisas la xiriira caabuqa saf-marka ah ee Coronavirus markii dalal cusub ay Isniinta maanta xaqiijiyeen in ay hayaan dad la nool cudurkaas.

Tanzania, Liberia, Benin iyo Soomaaliya ayaa ah wadamada maanta ku dhawaaqay in ay hayaan kiisaskoodii koowaad.

Tani macnaheedu waxay tahay in 30 dal oo qaarada ah – kala-bar tiradda guud ee Afrika – ay haatan daaweynaya 400 bukaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore qabatay afar muwaadin oo ka yimid Shiinaha, kuwaasoo midkood laga helay xanuunka, sidda ay shaaca ka qaadey Wasaaradda Caafimaadka.

Badi qaramada Afrika ayaa hakiyey duulimaadyada caalamiga ah. Si lamid ah, kuwa kale waxay xireen xadka cabsi laga qabo in cudurka uu xididaha u siibo nidaamka caafimaad ee wadamada.

Dhanka kale, Rwanda, Burkina Faso, Ethiopia, iyo Cameroon ayaa shaaciyey in ay korodhay tiradda dadka ay ka heleen cudurka.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku talisay in lagu dedaalo nafaada, arrintaasna ay tahay qaabka kaliya ee loola dagaalami karo fayruska kasoo bilowday magaalada Wuhan ee dalweynaha Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM