Dalka maalgeliyey shirkii Farmaajo iyo Biixi ee Abiy uu "awoowe" ka ahaa

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa lumiyey dhexdhexaadnimadiisa isagoo si toos ah ugala shaqeynaya Turkiga iyo Qadar "juujuubida" madaxda Somaliland, sidda uu baahiyey Middle East Online.

Jaraa'idka ayaa ku waramaya in Addis Ababa ay "macaash" ka heleyso mashruucaan ay "maalgelinayaan" xukuumadaha Ankara iyo Dooxa.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in fa'iidada Itoobiya ay "kooban tahay" balse xasilooni darada kasoo gaareysa gobolka ay "badan tahay".

Isagoo ka faa'iideysanaya galaangalka dowladiisa, Abiy ayaa isku dayay "in uu ku cadaadiyo" madaxda Somaliland in ay qaabilaan Farmaajo.

Madaxda maamulka Hargeysa ayaa ka biyo diidey arrintaas. Qorshahaas waxaa lagu soo qaadey shir saddex-geesood ah oo ka dhacay Addis.

Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha Somaliland, ayaa wax aan la aqbali karin ku qeexay in Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa, wallow uu aqbalay raaligelintii uu ka bixiyey xasuuqi kasoo gaarey Siyaad Barre.

Inkastoo xafiiska Abiy lagu martigeliyey, MEO ayaa daboolka ka qaadey in Qadar ay lahayd abaabulka kulankii Biixi iyo Farmaajo, isla markaana "ujeedku ahaa sidii ay u gaari lahayd danaheeda waddanka dhaca Geeska Afrika".

Joornaalka ayaa intaas raaciyey in doorka Itoobiya uu ahaa in ay "awoowe ama dhex-dhexaadiye" ka noqoto kulankaas iyo wadahadalada mustaqbalka "si meesha looga saaro kaalinta Imaaraadka iyo Sacuudiga".

Xoogaga siyaasadda oo tuhun ka muujiyey sababta uu Abiy ugu wehlinayo Farmaajo socdaalkiisa Hargeysa ayaa talaabadaas ku qeexay mid liddi ku ah madax-babaanida siyaasadda iyo qaranimadda Soomaaliya.

Qadar iyo Turkiga oo xulafo dhow u ah dowladda madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo ayaa bil walba ku taakuleeya miisaaniyadda xukuumadda lacago badan, taasoo si toos ah ugu dhacda Bangiga Dhexe.

Sikastaba, hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Somaliland oo wajahay cadaadis gudaha ah ayaa hadalheynta booqashada Hargeysa waxay kusii kordhisay karkarka siyaasadeed iyo baahida loo qabo in ay hadlaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM