Dameer lagu eedeeyay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Beledwayne

Image

NAIROBI, Kenya – Maareeyaha guud ee diyaaradii shalay ku burburtay garoonka diyaaradaha Beledwayne ayaa wuxuu sheegay in shilkaas uu sabab u ahaa Dameer kadib markii uu soo galay dhabaha xilli ay soo dageysay.

Kabtan Xuseen Maxamed oo u waramay mareegga Kenyans.co.ke ayaa ka warbixiyey dhacdooyinkii sababay shilkaas aysan cidna wax ku noqon marka laga reebo khasaaro maaliyadeed oo ah burburka diyaarada.

Duulimaadkan oo ka yimid Jabuuti ayaa shixnad isugu jirta gargaar iyo sahay wuxuu u wadday ciidamadda AMISOM iyo shacabka gobolka Hiiraan, waxaana ku deeqay dowladaha Mareykanka iyo Jabuuti.

"Mid kamid ah diyaaradaheena ayaa ku burburay Soomaaliya, waxaana ay cunto u wadday ciidamadda AMISOM ee ku sugan Beledwayne, Soomaaliya, halkaasoo cutubyadda Jabuuti xarun u ah," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Diyaaradda waxay aroortii hore kasoo baxday Jabuuti; iyaddoo soo dageysa waxaa dhabaha cagadhigashada soo maray Dameer oo ay ku dhaceen; taas waxay sababtay in ay dhabaha ka leexdaan, balse dhamaan shaqaalihii la socday waa ay caafimaad-qabaan".

Maxamed ayaa xusay in shaqaalaha caafimaadka oo ka boodey diyaaradda lagu hubiyey caafimaadkooda Isbitaal ku dhex-yaala garoonka, kaasoo ay gacanta ku hayaan ciidanka Jabuuti.

"Diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa loosoo diray si ay ugu sii qaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xuseen Maxamed.

Sikastaba ha ahaatee, Diyaaraddan burburtay oo ay lahayd shirkadda Bluebird Aviation taasoo fadhigeedu yahay caasimada Kenya ee Nairobi ayaa lagu sameeyay Australia, waana nooca loo yaqaano Dash 8-400 PF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM