Darajada Soomaalida ka haystaan qeybsiga shaqooyinka dowlada Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Soomaalida ayaa 4.3% ka haysta xilalka ugu sareeya ee shaqooyinka dowladda gudaha Kenya, taas oo ku dareysa liiska tobbanka qowmiyadooda ee haya jagooyinka sare, sida ay muujineyso warbixin cusub.

Margaret Kobia, wasiirka shaqooyinka guud ee Kenya oo xog-uruurintan soo bandhigay todobaadkan, ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in 416-tii qof ee kamid ah shaqaalaha dowladda ay 17 kamid ah yihiin Soomaali.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, xilalka ugu badan waxaa haya beelaha; Kikuyu, Kalenjin iyo Luo, kuwaasoo haysta in ka badan 200 shaqo.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in lix qabiil ay haystaan 80% guud ahaan shaqooyinka dowladda Kenya, taasoo ka dhigan in beelaha soo haray ee kale ay wadaagayaan tirada baaqiga ah taasoo dhan 20 boqolkiiba.

Mudaneyaasha Aqalka Sare ee Kenya oo warbixintaan ka doodey Khamiistii ayaa su'aal geliyey qaabka loo wadaagay shaqooyinka dowladda.

Senator Naomi Shinyanga oo fadhiga ka hadlay ayaa is-waydiiyey "Tani ma waxay la macno tahay in jagooynka sar-sarre ay u qalmaan dadka kasoo jeeda hal qabiil, kuwa kale aysan mudneyn in ay kasoo muuqdaan xilalka sare?".

Soomaalida ku nool Kenya ayaa tiradoodu gaareysaa 2.7 milyan, sidda ku xusan tirokoobkii muranka dhaliyey ee la sameeyay 2019-kii.

Sanadkii 2009-kii waxaa tiradooda lagu sheegay 2.4 milyan, taasoo la macno ah in ay ku jiraan liiska bulshooyinka ugu tirada badan gudaha Kenya.

Inkasta oo dhanka siyaasada aysan si buuran uga dhex-muuqan, haddana Soomaalida ku dhaqan Kenya waxay safka hore kaga jiraan ganacsiga, waxaana ay ku leeyihiin dhismeyaasha iyo mehradaha ugu waaweyn waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM