Dhalinyaro rabta ku biirida Al-Shabaab oo kasoo talaabay xadka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex dhalinyaro ah kana soo jeeda ismaamulka Mandera ee waddanka Kenya ayaa u soo talaabtay dhanka Soomaaliya kuna biiray Al-Shabaab, sidda uu daaha ka rogay taliyaha booliska gobolka waqooyi bari.

Nick Ndalana oo arrintaan ka shaaciyey kulan looga hadlayey ammaanka ayaa xusay in dhalintaas ay kasoo jeedaan degaanada Fino iyo Lafey, isagoo shaqsiyaadka kale uga digay in ay ku dhaqaaqaan falkaas.

Waalidiinta ayuu cod dheer kaga codsaday in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda. Si gaar ah, qoyska saddexdaas wiil oo uusan magacaabin ayuu ku booriyey in caruurtooda ay isku soo dhiibaan ciidanka amniga.

"Waalidiinta waxaan u sheegeynaa hadii ay kasoo laabtaan Soomaaliya iyagoo aan isa soo dhiibin waxaan ula dhaqmi doonaa sidda cadowgeena," ayuu cod dheer ku sheegay taliyaha oo ay ka muuqatay carro aad u baaxad weyn.

Hadalkaan ayuu taliyuhu ka sheegay ismaamulka cusub ee Arabia, halkaasoo 2014-kii qabsaday ciwaanada warbaahinta markii argagixisada ay ku dishay 28 rakaab ah kuwaasoo ay kala dageen gaadiidkii ay saarnaayeen.

Tan iyo 2014-kii, waxaa aagaan oo u dhaxeeya waddooyinka Mandera-Lafey-Elwak laga diiwaan-geliyey 116 falal argagixiso, sidda bileysku wariyey, kaasoo intaas ku daray in dadkaas badankooda ay ahaayeen shacab.

Arabia oo ismaamul hoosaas loo aqoonsaday April, sanadkii 2017-kii waqtigaasoo ay wehliyeen Kotulo iyo Kiliweri waxaa haatan ay kamid tahay meelaha ay dowladda Kenya xooga saareyso si ay uga hortagto khatarta maleeyshiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM