Dhaqaatiir ka farxiyay Nin xubintiisa taranka laga jaray [Akhri qormo xiiso leh]

Image

NAIROBI, Kenya - Dhakhaatiirta isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi, xarunta dalka Kenya ayaa dib isugu dhejiyay xubinta taranka taasoo wiil laga jar-jaray bishii December ee sanadki hore 2018.

Qaliinka oo qaatay 7 saac ayaa waxaa fuliyay koox ka kooban 15 oo khuburo oo taqasus gaar ah u leh.

Isaga oo warbaahinta la hadlay Arbacada maanta ah, dakhtarkii hogaaminayay howlgalkaan ayaa xusay in xubinta taranta ee la jar-jaray ay ku keediyeen qayb kamid ah Isbitaalka.

Dhibanaha, kaasi oo durbadiiba markii ay dhibtu soo gaartay la keenay Isbitaalka, ayaa haatan ku jira xaalad wacan, isaga oo awood u leh inuu sameeyo galmo, iyada oo dhirarka xubintiisa taranka hagaagsan tahay.

"Wuxuu ubaahan yahay kaliya labo isbuuc oo nasiino ah, isaga oo howshiisa sii wadan kara," ayay raaciyeen dhakhaatiirta.

– Sidee ayuu u dhacay shilka? –

Wiilka oo lagu magacaabo Joseph Theuri, kaasi oo ah 17-sano jir dhigta fasalka 13aad ee Dugsiga sare waxaa soo weeraray qof aanan la aqoon, isaga oo xubinta taranka kaga jaray Mindida loo adeegsado Digaaga.

Shilkaan ayaa dhacay xili habeen ah. Dhibanaha, kaasi oo haatan dib-u-helay caafimaadkiisa ayaa ahaa shaqsiga ugu wayn reerkiisa.

– Muxuu ka dhigan yahay? –

Howlgalkaan lagu guuleystay ayaa noqonaya mid kamid ah guulihii ugu dambeeyay oo ay gaaraan dhakhaatiirta Isbitaalka dowlada ee Kenya.

Sanadkii 2016-kii, isbitaalka ayaa ku dhawaaqay kadib qaliin ay 50 dhakhaatiir ku sameysay Mataano isku dheganaa ay kala fujiyeen.

Ku dhowaad 23 saacadood ayuu qaatay howlgalkaasi, iyada oo Mataanaha oo lagu kala magacaabo Blessing iyo Favour ay waqtigaasi jireen labo sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM