Dhaqaatiir ka farxiyay Nin xubintiisa taranka laga jaray [Akhri qormo xiiso leh]

Image

NAIROBI, Kenya - Dhakhaatiirta isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi, xarunta dalka Kenya ayaa dib isugu dhejiyay xubinta taranka taasoo wiil laga jar-jaray bishii December ee sanadki hore 2018.

Qaliinka oo qaatay 7 saac ayaa waxaa fuliyay koox ka kooban 15 oo khuburo oo taqasus gaar ah u leh.

Isaga oo warbaahinta la hadlay Arbacada maanta ah, dakhtarkii hogaaminayay howlgalkaan ayaa xusay in xubinta taranta ee la jar-jaray ay ku keediyeen qayb kamid ah Isbitaalka.

Dhibanaha, kaasi oo durbadiiba markii ay dhibtu soo gaartay la keenay Isbitaalka, ayaa haatan ku jira xaalad wacan, isaga oo awood u leh inuu sameeyo galmo, iyada oo dhirarka xubintiisa taranka hagaagsan tahay.

"Wuxuu ubaahan yahay kaliya labo isbuuc oo nasiino ah, isaga oo howshiisa sii wadan kara," ayay raaciyeen dhakhaatiirta.

– Sidee ayuu u dhacay shilka? –

Wiilka oo lagu magacaabo Joseph Theuri, kaasi oo ah 17-sano jir dhigta fasalka 13aad ee Dugsiga sare waxaa soo weeraray qof aanan la aqoon, isaga oo xubinta taranka kaga jaray Mindida loo adeegsado Digaaga.

Shilkaan ayaa dhacay xili habeen ah. Dhibanaha, kaasi oo haatan dib-u-helay caafimaadkiisa ayaa ahaa shaqsiga ugu wayn reerkiisa.

– Muxuu ka dhigan yahay? –

Howlgalkaan lagu guuleystay ayaa noqonaya mid kamid ah guulihii ugu dambeeyay oo ay gaaraan dhakhaatiirta Isbitaalka dowlada ee Kenya.

Sanadkii 2016-kii, isbitaalka ayaa ku dhawaaqay kadib qaliin ay 50 dhakhaatiir ku sameysay Mataano isku dheganaa ay kala fujiyeen.

Ku dhowaad 23 saacadood ayuu qaatay howlgalkaasi, iyada oo Mataanaha oo lagu kala magacaabo Blessing iyo Favour ay waqtigaasi jireen labo sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM