Dhurwaa qarax ka badbaadiyey ciidamadda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Laba Dhurwaa [Waraabe] ah ayaa Jimcadii, 29-kii Janaayo waxay ku geeriyoodeen qarax miino oo ka dhacay waddo aada saldhig ay leeyihiin ciidamadda bileyska Kenya, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Mareegga Kenyans.com ayaa saraakiil amni oo ku sugan xero ku taala tuuladda Konton ee ismaamulka Wajeer wuxuu kasoo xigtay in ay maqleen dhawaqa xilli ay heegan ugu jireen weerar kaga yimaadda xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Sidda ku xusan warbixinta, ciidamadda oo aad uga feejignaa suurtagalnimada weerar kaga yimaada Al-Shabaab ayaa u muuqda mid ka badbaadey falkaas.

Howlgal ay sameeyaan aroornimadii Sabtidii todobaadkan ayay ku heleen meydadka laba dhruwaa kuwaas oo ku naf-waayey weerarkaas qaraxa ah.

"Qaraxyadda oo la doonayey in lala eegto gaadiidka ciidamadda ammaanka ayaa u muuqda kuwa galaaftay labada dhurwaa kuwaas oo aagaas ka raadinayey cunto balse ay miinadda ku haleeshay," ayuu bogga kasoo xigtay saraakiisha amniga.

Mid kamid ah saraakiisha oo magaciisa aan lasoo bandhigin ayaa ku daray "aad baan u nasiib badan nahay hadii aan nafteena ku wayn qaraxa, balse waxaan ka xunahay in xayawaan aan waxba galabsan uu ku naf-waayey falkaas xun".

Al-Shabaab ayaa si joogta ah uga howlgasha gobolada waqooyi barri ee Kenya. Tan iyo bilowgii sanadkan 2021, maleyshiyadda gacansaarka la leh Al-Qaacidda waxay gudaha dalkaas ka fulisay weerar sababay khasaaro geeri iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka jira in Ciidamada Jubaland Tababar ku qaadanayaan gudaha Kenya?

Wasiirka ayaa intaa ku daray in la xoojin doono ilaalinta xuduudaha iyo wadaagga sirdoonka si loo xaqiijiyo ammaanka.

  • Afrika

    04-09-2025

  • 02:02PM

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM