Dib-u-dhac ku yimid qorshe la xiriiray askarta Kenya ee Soomaaliya

Image
Baaqashada ayaa ka dambeysay kadib go'aan kasoo baxay Ururka Midowga Afrika.

NAIROBI, Kenya - Ciidamada Difaaca Kenya ee loo garan og-yahay KDF ayaa ku qasbanaan doona inay baaqi kusii ahaadaan waqti dheer ka hor inta aysan ciidamadoodda kala bixin waddanka Soomaaliya.

Dib u dhaca ku yimid bixitaanka ciidamada Kenya ayaa waxaa sabab u ahaa go’aankii Midowga Afrika ee ahaa in askartooda ay sii joogaan Soomaaliya, maadaama Al Shabaab sii xoogeysaneyso.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya oo magaciisa saxda ah loo badalay ayaa go'aansaday inuu hakiyo qorshaha bixitaanka muddo lix bilood ah.

Ka bixitaanka dib u dhaca ah ayaa ciidamada u sahlaya in ay si waafi ah u garab istaagaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan kooxaha xagjirka ah.

Go’aanka ay ku kordhiyeen joogitaankooda oo la rumeysan yahay in ay Soomaaliya codsatay ayaa daba socday shir ay yeesheen golaha ammaanka AU-da oo dhacay Arbacadii 23 November.

Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu si tartiib tartiib ah u saaro in ka badan 2,000 oo askari laga bilaabo Disembar si loogu ogolaado ciidamada kale ee wax ku biirinaya, oo ay ku jiraan KDF iyo askarta Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi, inay baxaan December 2023.

Bishii Sebtembar 2022, Madaxweyne William Ruto ayaa ku adkeystay in askarta KDF ay sii joogaan Soomaaliya ilaa ay waajibaadkooda si dhameystiran u gudanayaan.

Ruto oo tallaabadaas difaacayay ayaa sheegay in joogitaankooda Soomaaliya ay fure u tahay ilaalinta xasiloonida Kenya oo sanadihii lasoo dhaafay ay khal-khal gelisay kooxda xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM