Dib-u-dhac mar kale ku yimid doorashooyinka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa mar kale waxay dib-u-dhigtay doorashada baarlamaanka oo la filayay inay dhacdo 5-ta Juun, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada heer Qaran.

Guddiga oo war-saxaafadeed soo saarey Sabtida maanta ah ayaa intaa ku daray in aysan filaynin dib-u-dhac ka badan seddex isbuuc wallow aysan shaacin sababta hakadkan horta leh.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya (NEBE), Brukanukan Mideksa, ayaa tilmaamtay in dib-u-dhaca uu ka jiro furitaanka goobaha coddeynta diiwaan-gelinta shacabka.

"Waxaan u sheegeynaa doonnaa qof walba (inuu ogaado) in sida ugu dhakhsaha badan muddo toddobaadyo/maalmood oo dheeri ah gudahooda loosoo dhammaystiri doona howlaha dib u dhaca ah ... Ma noqon doono wax ka badan 3 toddobaad," ayay raacisay.

Dalka ku yaala Geeska qaaradda Afrika ayaa waxaa markii hore qorshuhu ahaa in laga qabto cod bixinta bisha Ogos 2020 laakiin dib ayey u dhacday sababtoo ah faafida safmarka COVID-19.

Tan iyo markaas, waxaa jiray khilaaf ka qarxay gobolka waqooyiga ee Tigray, kaas oo aan ka qaybqaadan doonin codbixinta, iyo sidoo kale aagag kale oo kamid ah dalka Itoobiya.

Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed iyo xisbigiisa Barwaaqo ayaa wajahaya caqabado uga imanaya xisbiyada kaasoo asal ahaan ku saleysan baadigoobka awood dheeri ah oo qowmiyadaha qaar rabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM