Dib udhac ku yimid duulimaadka tooska ah Kenya Airlines ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kenya Airlines oo ah diyaarad ah maamusho xukuumadda Nairobi ayaa lagu waday in 15-ka bishaan November ay duulimaad toos ah ay bilawdo magaalada Muqdisho, muddo dhowr sano ah kadib.

Balse, dib udhac ayaa ku yimid qorshahaasi, sida uu xaqiijiyay wasiirka Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Saalad Oomaar, kaasi oo qirtay inaanu shaacin karin waqtiga sida rasmiga ah loo daah-furi doono.

Wasiir Oomaar ayaa geesta kale, wuxuu ka gaabsaday inuu bidhaamiyo sababta keentay dib udhaca, inkasta oo uu carabka ku dhuftay inay la xiriirto Jawdalka dhinaca soo dhawaynta wafuudo Kenya Airlines oo heer sarre ah.

“Maadaama ay ku imaanayaa wafuud heer sarre ah, waxay na waydiisteen inaan fursad heli karno maalmaha ay naga cod-sadeen. Iyaga ayaana ka sugi doonaa xiliga xigta,” ayuu yiri Wasiirka, oo u waramay idaacada Kulmiye.

Kenya Airlines oo kamid ah diyaaradaha ugu caalamisan ee ka howlgala qaarada Afrika ayaa kusoo biireysa duulimaadyadda heerka sarre ah oo uu soo jiidanayo Madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde, oo hada tiro kooban ay ka howlgalaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Duulista Hawada ayaa shaaca ka qaaday in kale oo caalami ah ay Muqdisho kusoo food leeyihiin, isaga oo magac-dhabay diyaaradaha, Uganda, Qatar iyo waliba Eritrea.

Gubagabadii, Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dib loosoo celiyo diyaarada Somali Airline, taasi oo aanan gacanta dowladda ku jirin wixii ka dambeeyay burburka laga soo kabanayo ee uu dalka galay 1991-dii.

Sarre u kac dhaqaale, maal-gelin shisheeye iyo shaqo abuur, waa faa’idooyinka ugu waawayn ee laga dhex-talayo soo noqoshada duulimaadyadda caalami ah oo ay dalka ka sameynayaa diyaaradaha dalalka deriska iyo kuwa kale. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM