Dib udhac ku yimid duulimaadka tooska ah Kenya Airlines ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kenya Airlines oo ah diyaarad ah maamusho xukuumadda Nairobi ayaa lagu waday in 15-ka bishaan November ay duulimaad toos ah ay bilawdo magaalada Muqdisho, muddo dhowr sano ah kadib.

Balse, dib udhac ayaa ku yimid qorshahaasi, sida uu xaqiijiyay wasiirka Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Saalad Oomaar, kaasi oo qirtay inaanu shaacin karin waqtiga sida rasmiga ah loo daah-furi doono.

Wasiir Oomaar ayaa geesta kale, wuxuu ka gaabsaday inuu bidhaamiyo sababta keentay dib udhaca, inkasta oo uu carabka ku dhuftay inay la xiriirto Jawdalka dhinaca soo dhawaynta wafuudo Kenya Airlines oo heer sarre ah.

“Maadaama ay ku imaanayaa wafuud heer sarre ah, waxay na waydiisteen inaan fursad heli karno maalmaha ay naga cod-sadeen. Iyaga ayaana ka sugi doonaa xiliga xigta,” ayuu yiri Wasiirka, oo u waramay idaacada Kulmiye.

Kenya Airlines oo kamid ah diyaaradaha ugu caalamisan ee ka howlgala qaarada Afrika ayaa kusoo biireysa duulimaadyadda heerka sarre ah oo uu soo jiidanayo Madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde, oo hada tiro kooban ay ka howlgalaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Duulista Hawada ayaa shaaca ka qaaday in kale oo caalami ah ay Muqdisho kusoo food leeyihiin, isaga oo magac-dhabay diyaaradaha, Uganda, Qatar iyo waliba Eritrea.

Gubagabadii, Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dib loosoo celiyo diyaarada Somali Airline, taasi oo aanan gacanta dowladda ku jirin wixii ka dambeeyay burburka laga soo kabanayo ee uu dalka galay 1991-dii.

Sarre u kac dhaqaale, maal-gelin shisheeye iyo shaqo abuur, waa faa’idooyinka ugu waawayn ee laga dhex-talayo soo noqoshada duulimaadyadda caalami ah oo ay dalka ka sameynayaa diyaaradaha dalalka deriska iyo kuwa kale. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM