Dibadbax ka dhashay xariga Zuma oo saameeyay Soomaalida

Image
Image
Image
Image

CAPE TOWN, South Africa - Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka qarxay Koonfur Afrika kadib markii la xiray Madaxweynihii hore, Jacob Zuma, oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo diidida amar maxkamadeed.

Bililiqada ayaa ka bilaabatay Kwa-Zulu Natal, gobolka uu ka soo jeedo Zuma, kuna fiday xarunta dhaqaalaha ee Joburg iyadoo isu-soobaxa ugu weyn uu ka dhacayo wadada M2 ay xireen dibad baxayaal careysan.

Madaxweyne Cyril Ramapho oo caddeeyay mowqifka dowladda uu hogaamiyo ayaa cod dheer wuxuu shacabka ugu booriyay in ay iska xakameeyaan ficilada keena rabshadaha.

"Inkasta oo ay jiraan kuwa laga yaabo inay dhaawacaan carro darteeda, marna cudurdaar looma heli karo ficilada noocaas ah ee rabshadaha, wax duminta iyo carqaladeynta ah," ayuu raaciyay Ramaphosa.

Cumar Cabdullaahi Diiriye, oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika, ayaa xaqiijiyey in goobaha la boobay ay ku jiraan xarumo ganacsi oo ay Soomaali leeyihiin balse aysan wali soo gaarin wax geeri ah.

"Saddex Itoobiyaan ah oo meydadooda aan annagu aragnay ayaa jira. Balse, illaa haatan ma jiro wax Soomaali ah oo nasoo gaartey. Hase ahaatee, way jiraan goobaha laga boobay," ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu intaas raaciyey: "Bililiqada ma aysan ahayn wax aan filaynay. Laakiin mar walba oo banaanbaxyo dhacaan way ka dhacdan dalkan. Hadda waxaan kaliya ku talagaleynaa in nafteeda aan badbaadsano.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa dedaal badan gelinaysa in ay xakameyso mudaaharaadyadda rabshadaha wata. Hase ahaatee, waxay u muuqaneysaa mid ku guuldareysaneysa in ay ka miradhalineyso dedaaladeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM