Diblumaasiyiinta dalal horleh oo laga daad-gureeyay Suudaan

Image
Loolan awoodeed oo xun oo u dhexeeya labo Jeneraal ayaa horseeday rabshadaha ka dilaacay dalkaan.

KHARTUUM, Suudaan - Waxaa isa soo taraya liiska wadamadda diblumaasiyiinta iyo muwaadiniinta kasoo daad gureeyay caasimadda Sudan iyadoo dagaalo qaraar ay ka socdaan magaaladda Khartoum.

Mareykanka iyo boqortooyadda Ingiriiska ayaa Axadii shalay ahayd ee todobaadkan waxay siyaabo kala duwan ugu dhawaaqeen inay diblumaasiyiin ka dhoofiyeen dalkaas.

Dalal kale oo ay kamid yihiin dowladaha reer Yurub ee Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Spain ayaa kamid ah kusoo biiray liiska goor dambe oo Axadii shalay ahayd.

Wadamo kale oo kasii horeeyay ayaa Sabtidii la baxay muwaadiniintii iyo diblumaasiyiintii ka joogay Suudaan. In ka badan 150 qof oo u badan muwaadiniin u dhashay dalalka Khaliijka iyo sidoo kale Masar, Pakistan iyo Canada ayaa laga daadgureeyay badda, iyadoo la geeyay dekedda Jeddah ee Sacuudi Carabiya.

Loolan awoodeed oo xun oo u dhexeeya labo Jeneraal kuwaasoo kala hogaaminaya milatariga iyo maleyshiyaad la baxay RSF ayaa horseeday rabshadaha ka dilaacay dalka Suudaan.

Marka lagu daro Khartoum, gobolka galbeedka ee Darfur, oo ah meeshii ugu horreysay ee RSF ay ka soo if-baxday, ayaa sidoo kale si xun u saameeyay dagaalka.

Qaramada Midoobay oo soo saartey qoraal ayaa ka digtay in ilaa 20,000 oo qof - oo u badan haween iyo carruur - ay ka cararaan Suudaan si ay ammaan u raadsadaan Chad iyagoo kasoo tallaabtay xadka Darfur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM