Digniin laga soo saarey Al-Shabaab u talaabay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska Booliska Kenya ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay muujiyaan taxadar badan "maadaama dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay u talaabeen waddankaas iyaga oo ka yimid Soomaaliya".

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, maleyshiyadda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa ku fekereysa in ay fuliso howlgalo.

Bileyska ayaa rumeysan in dableyda ay gaareyso 40 isla markaana ay damacsan yihiin beegsashada gobolada Amuma iyo Hemey kuwaasoo hoostaga ismaamul goboleedka Waqooyi-Bari ku yaala ee Garissa County.

"Mas'uuliyiinta dowladda waa kuwa ay u badan tahay in la beegsan doono, sidaas awadeed waa in ay feejignaadaan," ayuu talisku raaciyey.

Digniinta taliska Booliska ayaa kusoo hagaageysa xilli ay soo dhow-yihiin munaasabadaha ay dadka Masiixiyiinta ah ugu dabaaldegaan sanadka cusub ee 2021 kaasoo ay kaliya 18 maalmood ay ka harsan tahay.

Al-Shabaab, oo gudaha Kenya ka dagaalameysa tan iyo markii dalkan uu ciidamo u diray Soomaaliya 2011, ayaa aalaaba waxay beegsataa saraakiisha ammaanka dowladda iyo dadka u dhalan goobaha ay ka howlgasho.

Maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in aysan ciidamadooda kala bixi doonin Soomaaliya inta laga wiiqayo awooda maleyshiyadda Al-Shabaab lana xasilinayo waddanka dhaca Geeska qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM