Diyaarad ku sii jeeday Muqdisho oo hawada ay cilad ku haleeshay

Image

NAIROBI, Kenya – Diyaar nooca xamuulka ah kuna sii jeeday Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, ayaa si degdeg ah waxay ugu degtay madaar ku yaala Garissa markii ay soo wajahday cilad dhanka matoorka ah.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, diyaaradda ayaa kasoo duushay Nairobi, magaala madaxda waddanka Kenya. Lama fahfaahin shixnadda ay sidday.

Saxaafadda maxaliga ah oo tafaasiil dheeri ah bixisay ayaa tilmaamtay in uu matoorka uu joojiyey shaqadda xili ay diyaaradda hawada ku jirto, taas oo keentay in duuliyaha go'aan qaato.

Diyaaradda oo ku diiwaan-gishan magaca 5Y-JWC ayaa si nabdoon waxay ugu degtay garoonka iyadda oo aan lasoo wax khasaaro ah.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in dadweynaha Kenya ay aad uga falceliyeen arritaan, iyaga oo soo jeediyey in lagala noqdo ruqsada.

Todobaadkii hore ayay ahayd, dowladda ayaa shaqo joojin ku sameysay shirkadda Silverstone markii diyaaradeeda Dash-8 oo ay la socdeen rakaab badan ay lugaha u soo bixi waayeen.

Mas'uuliyiinta ayaa ku doodey in ay shatiga u gala noqdeen sababo ku aadan in ay meel uga dhacday Shuruucda u degan waddanka.

Bishii hore October 11-keeda, diyaaradan oo fadhigeedu yahay Lamu ayaa waxay ku burburtay Beerta Nasashadda ee Nairobi waxyar kahor markii ay ka duushay madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Wilson.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: RSF oo sheegatay inay si buuxda ula wareegtay magaalo u dhow xadka Itoobiya

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay fududeyneyso taageero milatari oo Imaaraadka Carabta uu siinayo RSF.

  • Afrika

    13-08-2026

  • 04:50PM

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM