Donald Trump oo xayiraad dhanka socdaalka ah saarey dalal Afrikaan ah

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa kordhiyey tiradda wadamada ay mamnuuca ka tahay in ay muwaadiniintooda u safraan Mareykanka.

Dalalka cusub ee liiska lagu soo daray waxay kala yihiin; Eritrea, Kyrgyzstan, Myanmar iyo Nigeria.

Chad Wolf, sii haayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha waddanka Mareykanka, ayaa wuxuu dalalkan ku dhaliilay in ay ku guuldareesteen fulinta shuruudaha ay hor-dhigeen.

Shuruudaha waxaa qeyb ka ah ay soo gudbiyaan xogo kuu saabsan Baasaboorada shaqsiyaad looga shakisan yahay argagixisinimo iyo fal-dambiyeedyo, sidda uu shaaciyey Wolf.

Shanta dal ee ku cusub xayiraada socdaalka ayaa haysta fursad ah in muwaadiniintooda ay kaliya u tagi karaan Mareykanka dalxiis, iyagoo ku sugnaanaya muddo kooban.

Bishii Janaayo, 2017 ayay ahayd markii ugu horeysay oo Trump uu soo rogay cunaqabateynka oo qayb ka ahayd qodobadii uu ololaha ku galay intii uu murashaxa ahaa.

Liiska dalalka ay xayiraada saaran tahay tan iyo xiligaas waa; Iran, Libya, Somalia, Syria, Yemen, Venezuela iyo Kuuriyadda Waqooyi, kuwaasoo lagu sifeeyay "dalal aan amni ahayn".

Cambaareynta uu Trump kala kulmay talaabadaan ayaa ah in badi dowladaha uu xayiraada saarey ay yihiin Muslimiin, talaabadaas oo lagu qeexay in ay tahay "faquuq iyo naceyb".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM