"Doolar baa ninkeyga lagu duufsadey si uu ugu safro Soomaaliya"

Image

NAIROBI, Kenya – Idris Wesonga ayaa isagoo raadinaya shaqo uu ka helo lacag badan oo Dollar ah wuxuu 22-kii November ee sanadkan 2019 ka tegay guri uu kirro ahaan uga deganaa magaaladda Mumias.

Wesonga iyo saaxiibkii Juma Odhiambo ayaa u soo jiheystay dhanka Soomaaliya, iyagoo aan war ka hayn xaalada halka ay kusii jeedaan.

Jackline Bakola, oo ah xaaska Wesonga, ayaa u sheegtay Daily Nation in ay u baahnaayeen lacag si ay ganacsi uga sameystaan Mumias.

Shaqo la'aan

"Waxaan kawada hadlnay qaddiyadda ku saabsan in aan helno raasumaal si aan u bilowno ganacsi," ayay tiri Bakola, oo ah hooyadda saddex caruur.

Inkasta oo uu ahaa shaqo la'aan, Wesonga waa darawal iyo fuundi (dadka ka shaqeeya dhismaha guryaha).

"Saaxiib ayaa u sheegay in shaqaalaha dhismaha lacago Doollar laga siiyo Soomaaliya," ayay hadalkeeda raacisay.

Marwo Bakola ayaa carabka ku adkeysay in saygeeda uu ugu baxay Soomaaliya in uu u soo shaqeeyo lacag bedesha noloshooda.

"Waxaanu rumeysanahay in Doollar-ka Mareykanku ku xiran yahay nolosheena uuna bedeli karo," ayay daboolka ka qaadey.

Waxay raacisay: "Ninkayga wuu isoo wacay 18-kii November, 2019, si uu iigu wargeliyo in lagu xiray Soomaaliya".

Al-Shabaab

Ciidamadda Soomaaliya oo qabtay shaqsiyaadkan ayaa kadib waxay u gacan u geliyeen laamaha ammaanka Kenya.

"Ninkayga wuu u hogaan-samayaa sharciga Kenya, waana la yaabay markii aan arkay in lagu eedeeyay in uu qorsheynayey ku biirista Al-Shabaab," ayay xustay.

Dacwadda lagu soo oogey saygeeda ayay ku tilmaamtay mid sumcad dil ku ah shaqsiyadiisa iyo degaanka uu kasoo jeedo ee Mumias.

"Dowladda waa in ay xaqiijiso in ninkayga uu helo cadaalad," ayay hadalkeeda kusii dartay haweenayda.

Bakola ayaa ku waanisay hay'addaha nabad-gelyadda Mandheera in ay xaqiijiyaan eedeysaneyaasha kahor inta aysan dacwad kusoo oogin.

Shaqsiyaadkan ayaa Talaadadii kasoo muuqday maxkamad, halkaasoo Wesonga ka sheegay in safarkiisa uu ku wargeliyey xaaskiisa.

Maxkamadda oo dhageysatay in eedeysaneyaasha ay haystaan Baasabooro been abuur ah lana horgeeyay caddeymo ay kamid yihiin in ay kusii jeedeen Baydhabo ayaa xukunka u muddeysay 10-ka January, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM