Itoobiya oo ka hadashay masiirka colaada gobolka Oromada

Image
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kasoo jeeda degaankan oo ay ka jirto Jabhad wali ku goodinaysa in ay sii wadayso dagaalka.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa meesha ka saartay rajadii laga qabay in ay wadahadal nabadeed la yeelato fallaagada gobolka xasilloon ee Oromada. Filashadan waxaa dhiirageliyay heshiiskii Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) kaasoo hakiyey dagaalka sokeeye ee laba sano ka socday waqooyiga.

Jabhada Oromada ee OLA oo iyaduna dagaal xoogan kula jirta dawlada federalka ah ayaa mar ay isbahaysi la samaysatay kooxda TPLF.

Laakiin afhayeen u hadlay dawlad deegaanka Oromada, Hailu Adugna, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in dawladdu aanay qorshaynaynin in ay la fariisato koox "aan lahayn kala dambeyn ama ajande siyaasadeed".

Sheegashada ayaa waxaa ku murmay afhayeenka OLA oo sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka.

Falaagada Oromada ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen tiro weeraro ah oo lagu hoobtay, taasoo ay beenisay.

Mas'uuliyiintq degaanka Oromada ayaa sheegay in inkastoo aysan jirin wax wada hadal ah ay sii wadi doonaan soo dhaweynta dhalinyarada OLA oo doortay inay hubka dhigaan.

Xaalada Oromiya ee uu ka soo jeedo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa waxaa hareeyay dagaalka ka socda Tigray, balse weerarada ay geysanayaan kooxaha hubeysan ayaa sii socday.

Jabhadda  ayaa lagu eedeeyay in aysan ilaalin dadka rayidka ah. OLA waa koox ka go'day jabhadda Oromada, oo hadda ah xisbi si sharci ah u diiwaan gashan.

Sidoo kale, waxa ay isbahaysi la samaystaan ​​kooxda TPLF. OLA waxa ay sidoo kale heshiisyo la gashay jabhado kale oo ka soo jeeda galbeedka dalka si ay cadaadis ugu saaraan xukuumada Mr Abiy.

Ururka OLA ayaa sheegay in ay u dagaalamayaan sidii ay ismaamul buuxa u heli lahaayeen dadka Oromada ah, waxaana dowladda ay ku tilmaantay urur argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM